Hargeysa, 25 Sept, 2014 (Himilo)- Dawladda Denmark ayaa shaaca ka qaadday inay kordhinayso taageerada dhaqaale ee ay ku bixiso Sanduuqa Horumarinta Somaliland oo horumarinta Ilaha dhaqaale ee dalku ka mid yihiin iyo kor-u-qaadidda dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland.
Safiirka dawladda Denmark u fadhiya dalka Kenya Geert Aagaard Andersen oo shalay booqasho ku yimi dalka, ayaa sheegay inay dawladdooda kaalin mug leh ku leedahay dhoofka Xoolaha Nool oo laf-dhabarta dhaqaalaha dalku ku tiirsan tahay, gaar ahaan dhinacyada daryeelka caafimaadka iyo barashada culuumta xannaanaynta xoolaha oo dawladda Denmark ka mid tahay waddamada Midowga Yurub ee dhaqaalaha ku bixiya Dugsiga Xannaanada Xoolaha ee degmada Sheekh.

Safiirka dawaldda Denmark ee dalka Kenya oo shalay warbaahinta kula hadlay shir-jaraa’id oo isaga iyo Wasiirka arrimaha Dibaddu ku faahfaahiyeen natiijada kulan dhexmaray Madaxweynaha Somaliland, waxa hadalladiisa ka mid ahaa, “Barnaamijyada Horumarka ee aanu taageerno si wanaagsan bay u socdaan. Waxaanu kor u qaadi doonaa Xaddiga dhaqaale ee aanu ugu talo-galnay Soomaaliya iyo Somaliland. Waxaanu danaynaynaa inaanu soo kordhinno meelo kale aanu iska kaashanno oo ku salaysan barnaamijyada horumarka ee Somaliland,” ayuu yidhi Danjire Geert.
Isaga oo ka hadlayey ujeeddada booqasho ay shalay ku tagayeen Berbera, waxa uu yidhi, “Waxaanu tegi doonaa Berbera si aanu u indho-indhayno dhoofka Xoolaha nool ee loo qaado Sucuudiga, maxaa yeelay kaalin weyn baanu ku leenahay dhoofinta Xoolaha, sannado badan baanu taageeraynay Xoolaha Nool sida Caafimaadlkooda, dugsiyo lagu barto Xannaanada Xoolaha iyo Xarumo (Maxjar) lagu xannaaneeyo xoolaha oo ku yaala meelo kala duwan oo Soomaaliya ah.”
“Waxaanu kale oo aanu u kuur-gali doonaa Kalluumaysiga, waxa jira hay’ado Denmark ah halka Somaliland oo taageero ka geysta, waxaan doonayaa inaan eego horumarka ay sameeyeen,” ayuu yidhi danjire Geert.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment