
“Horta, intii aannu meesha joognay-ba doorasho buun ku jirnay illaa doorashadii Deegaanka marka laga yimaaddana doorashada dambe ayuun baan isu diyaarinaynay, waxa-se intaas oo dhan ka horraysa in diiwaangelinta Cod-bixiyaha la helo, immikana waxa socota diiwaangelintii Madaniga ahayd oo wuxuba way is-wada daba socdaan, kolkaa intan dambe waxaynu ka hadlaynay diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha in la helo, markaynu diiwaangelin sax ah helno ayaynu doorasho sax ahna heli karnaa. Laakiin, tala-galkayagu waxa uu ahaa 2015-ka in doorashooyinku dhacaan, qorshihina waa yaallaa, nidaamka oo dhami wuu innoo yaallaa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka oo shalay Hargeysa ugu warramay Warbaahinta qaarkeed.
Guddoomiya Guddiga doorashooyinka Somaliland Maxamed Axmed Xirsi Geelle, waxa uu intaas ku daray; “Markaa, ama Guddigan doorashada ha noqoto ama Komishan cusub oo lagu beddelo ha noqotee, qorshuhuna wuu yaallaa halkaas ayuun bay ka dhaqaajinayaan, Barnaamijkaasina aad buu diyaar nooga yahay iyo dheeraadba, wixii Kharash dhinacooda ku xidhnaa diyaar bay innoo yihiin, ee innaga ayuun bay wax innagu xidhan yihiin kolba sida aynu Shuruucdeenna, nidaamkeenna iyo diiwaangelinteenna aynu u hirgeshanno ee cid waliba diyaar bay innoo tahay.”
Geelle mar uu ka hadlayey inay isa saamaynayaan labada diiwaangelinood iyo in kale waxa uu yidhi; “Diiwaangelinta Madaniga ah iyo diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha in badan baynu ka hadlaynay, mar waxaannu isku daynay in mar la wada qabto oo la isku daro, haddana markii la dersay caalamka farsamo ahaan iyo xagga wakhtiga markii laga eegey waxa la arkay in ay ka wanaagsan tahay in la kala qabto oo laba Barnaamij (diiwaangelinood) oo gooni u kala socda ay noqdaan. Midda kale, Maalgelintooda ayaa kala duwan, oo diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha waxa innaga caawiya Bulshada caalamka iyagoo dimuquraadiyaddeenna kor u qaadaya.”
“Diiwaangelinta Madaniga ahina waa arrin Qaran oo waddani ah oo Muwaaddinnimadeennii bay caddaynaysaa, kolkaa taa Madaniga ah dawladda ayay gaar ku tahay oo Kharashkeedii gebi ahaantiisaba wada qaadday. Markaa, maaddaama oo ay sidaas u kala duwan yihiin baynu nidhi laba aynu ka kala dhigno.” ayuu yidhi Guddoomiye Geelle.
Waxa uu Guddoomiyuhu intaas ku sii ladhay oo uu yidhi; “Laakiin, waa lagu heshiiyey inay laba Mashruuc oo is-barbar-socda noqdaan, halka ay iska soo galayaanna ay kolba ka wadahadlaan Wasaaradda Daakhiliga (arrimaha gudaha) iyo Guddiga doorashooyinka Qaranku, annagu fahamkii aannu markaa dhignay midna mid caqabad kuma noqonayaan, anigu in badan baan Warbaahinta ka sheegay oo aan idhi isma carqaladaynayaan oo labada diiwaangelinood midna mid caqabad kuma aha. Markaa, diiwaangelinta Madaniga ahi caqabad kuma ah diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment