
Taliye Tuuryare ayaa ku dhawaaqay in hay’addiisu ay qof kasta oo gacan ka geysta in nolosha lagu qabto horjoogaha Al-Shabaab siin doono laba milyan oo Dollar ($2m) halka qofkii bixiya macluumaad sahla in la dilo uu heli doono hal milyan oo Doolar ($1m).
Maleeshiyada Al-Shabaab oo xidhiidh la leh Al-Qaacidda ayaa dagaal muddo dheer ka wadda waddanka somalia, iyadoo dagaalyahanno shisheeye keentay waddanka si ay uga qeyb qaataan Halganka ay doonayaan inay dalka kaga Xorreeyaan Xoogaga shisheeye ee haatan ku sugan.
Generaal Tuuryare ayaa ballan qaaday in la qarin doono qofka keena macluumaadkaas si ammaankiisa loo ilaaliyo.
Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa horjooge u magacowday Axmed Cumar oo loo yaqaano Abuu Cubeyda, Axmed Diriye, Axmed Dheere, Axmed Cumar kaddib markii la dilay horjoogihii hore ee kooxdaas Axmed Cabdi Godane oo kooxda maamulayay tan iyo 2008dii.
Dowladda Mareykanka ayaa hore u bixisay yahooh lacageed oo la siinayo qofkii soo sheega warbixin suurta galiso in la dilo ama la qabto horjoogeyaasha kooxda Al-Shabaab ee dagaallada ka waddanka somalia.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment