Tuesday, September 23, 2014

Boqor Buur-madow muxuu ka yidhi Dilkii Saraakiisha iyo Mudaraadkii dhimashada sababay ee Gabiley?

buur-madowHargeysa, 23 Sept, 2014 (Himilo)- Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow) oo ka tirsan Madaxda Dhaqanka Somaliland, gaar ahaan Bariga Burco, ayaa markii ugu horreysay waxa uu ka hadlay dilka laba Sarkaal oo ka tirsanaa Ciidamada Qaranka Somaliland oo habeenkii Arbacada ee todobaadkii hore Askari Dable ahi ku dilay xero ciidan oo ku taala duleed magaalada ee gobolka Buuhoodle.

Waxa kale oo uu Buur-madoow ka hadlay Mudaharaad ka dhan ahaa dilka Saraakiishaas oo Jimcihii ka dhacay magaalada Gabiley  oo dhimashada hal qof iyo dhaawaca 13 qof sababay, waxaanu soo jeediyey inaan qaddiyadda dilkaas la siyaasadaynin.

“Tacsi tiiraanyo leh ayaan halkan uga dirayaa, labadii Mujaahid ama labadii sarkaal ee ku geeriyoodey ee gacanta ka xaqa darani ay ku dishay meesha la yidhaahdo Qoru-lugud. Runtii waxa weeyaan xannuun iyo dhibaato dhamaanteed qaranka Somaliland u soo hoyatey weeye,” ayuu yidhi oo shalay u warramayey telefishanka Bulsho ee xaruntiisu tahay magaalada Hargeysa.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Waxa kaloon annagu aad uga xunahay beel ahaan una aragnaa arin aan la siyaasadayn inay tahay. Jamhuuriyada Somaliland dadka ku nooli wey og-yihiin, wax laga tashaday inaanay ahayn. Mudahraadkii Gebilay ka dhacayay waxaanu u arkaynay, dad ay ku kedisay geeridu, oo aan garawsan sida uu u dhintay ninkaa halganka u taagnaa qaranka, runtii aad iyo aad baanu ugu cudur daaraynaa, wax alla wixii hadal , ama dhiif halahaado ama degenaansho haku soo baxee, ka soo baxayna , waxa weeyaan arin dulqaadkeeda loo leeyahay oo aan lagu dhaliilayn.”

Buur-madoow weeraray Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo uu sheegay inay Beesha uu ka soo jeedaa kala noqotay Kalsoonidii ay u hayeen Musharrax Jamaal.

“Waxaan aad iyo aad uga xunahay , Jamaal Cali Xuseen oo kale , oo aanu aad iyo aad ugu han weynayn, oo aan hubo, dhalinyarada, mutacalimiinta iyo Jiilka soo socdoo dhan ninkay ugu taageerada badnaayeen, inuu ku hadlay, Af uu leeyahay Beel baa u tashatay, Inuu Arrin xajiin leh oo Umadda Somaliland sii Kala fogeynaya uu ku hadlay. Wuxuu u muuqdaa run ahaantii, ninaan dadkan Jiidh ugu oolin,” ayuu yidhi Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow).

Himilomedia.com

Hargeysa/Somaliland

No comments:

Post a Comment