
“Hawlwadeennada Ammaanka ee Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal waxay toddobaadyadii ugu dambeeyey qabteen Qaad sifo ganacsi oo sharcidarro ah la isku dayayey in dalka lagaga dhoofiyo loona waday qaar ka mida waddammada Yurub sida Ingiriiska, Iswiidhan, Noorway, iyo Dhenmaarik. Iyada oo qaar ka mid ah rakaabkii dhoofayey ay siteen, si ay qarsoodi ugu galiyaan waddammadaas” ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeed ka soo baxay Waaxda Warfaafinta ee Wasaaradda Duulista.
Warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Madaarada dalka ay mamnuuc ka yihiin in Qaad laga dhoofiyo, iyadoo looga digay dadka dhoofayaasha ah inay ku kacaan falal ka dhan ah shuruucda madaarrada caalamiga ah, “Waxaanu uga digaynaa dadweynaha rakaabka ah inay ku kacaan falal liddi ku ah shuruucda dalalka ay u dhoofayaan iyo midka ay ka dhoofayaan, taas oo saamayn ku yeelan karta socdaalkooda, dhinaca kalena sumcad xumo ku keeni karta Madaarrada dalkeena.” Ayaa warsaxaafadeedka lagu sheegay.
Qaadka oo dadka somalida ahi meelkasta oo ay joogaanba si weyn u cunaan ayaa laga mamnuucay dalalka yurub badidooda, waxana ay taasi keentay in somalidii cuni jirtey ay waayaan meel ay ka helaan, kuwaas oo ku dhiirraday inay si qarsoodi ah xidhmooyin ugala dhoofaan garroomo Somaliland ku yaalla.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment