Waa maxay Nuxurka farriinta uu Xukuumadda Somaliland ka gudbin doono Siyaasiga reer Sudan?
“Xilligan Sudan waxa jira warar fiican oo ku saabsan sidii Somaliland Xukuumaddoodu u heli lahayd madax-bannaanideeda….Waxaanan u ololayn doonnaa in Somaliland lagu abaalmariyo aqoonsi waxa ay....” Siyaasi reer Sudan ah oo Hargeysa Booqasho ku yimi
Hargeysa, 23 Sept, 2014 (Himilo)- Siyaasi reer Sudan ah, ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa Sudan ay yaallaan warar badan oo fiican oo ku saabsan Somaliland, isla markaana waddankiisa si weyn looga taageersansan yahay Qaddiyadda Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo inay hesho aqoonsi buuxa oo caalami ah.

Wasiirkii hore ee Caafimaadka Sudan Dr. Banage oo la weydiiyey ujeeddada socdaalkooda Somaliland, inuu ahaa mid shaqsi ah, amase mid rasmi ah, waxa uu ku jawaabay; “Ugu horreyn socdaalkayaga Somaliland ujeeddooyin badan ayuu leeyahay, kana mid tahay taageeridda inankayaga Fayaad iyo Mushkiladda lala wada socdo ee ka haysata Hargeysa, sidoo kalena aan u mahad-celinno dhammaan qeybaha kala duwan ee Bulshada reer Somaliland, Salaaddiin, Aqoonyahan, Culimaa’udiin Taageerada ay isla garab-taageen Fayaad. Waxa kale oo ujeeddada socdaalkayaga ka mid ah inaan eegno fursado maalgashi oo dhinacyada Caafimaadka, Xoolaha, Macdanta ah oo qeyb ay ka qaadan karaan Ganacsatada reer Sudan iyo ugu damabyn sidii aannu isugu xidhi lahayn labada shacab ee Somaliland iyo Sudan loogana wada-shaqeyn lahaa horumarkooda iyo wanaaggooda.”
Mar la weydiiyey maaddama dalka Sudan uu kaalinta koowaad kaga jirijiray waddamadda sida weyn uga soo horjeeda madax-bannaanida Somaliland, ma isleedahay is-beddel ayaa mowqifkaa ku yimi, tan iyo markii Koonfurta Sudan ka go’day, maxaad odhan lahayd?
“Dhab ahaan, intaan ogahay, horena u ahaa Wasiirka Caafimaadka, Sudan kama soo horjeeddo qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland, balse sidaad la socotid Ururka Jaamacadda Carabta iyo guud ahaan dawladaha Islaamku waxay isku qanciyeen inaan Soomaaliya kala go’in. Laakiin, xilligan sidaan maqlay Sudan waxa jira warar fiican oo ku saabsan sidii Somaliland Xukuumaddoodu u heli lahayd madax-bannaanideeda, maxaa-yeelay? Waxa si weyn u soo jiidatay horumarka iyo xasilloonida ka jirta halkan (Somaliland). Waxaanay u muuqdaan kuwo taageero dheeraad ah u haya Somaliland.”
“Annagu farriimaha aan ka qaadno Xukuumadda iyo waxa aannu indhahayaga ku aragno waxaan gaadhsiin doonnaa Madaxda ay khusayso ee Sudan oo illaa La-taliyaha Madaxweynaha Sudan ee dhinaca Sharcigu uu nala socdo, waxaanan u ololeyn doonnaa sidii dalkan Somaliland loogu abaalmarin lahaa madax-bannaanidooda waxa ay qabsadeen awgeed. Waxaan qabaa in mustaqbalku la jiro Somaliland.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Caafimaadka ee dawladda Sudan Dr. Maxamed Awadallah Bannage.
Himilomedia.com
Hargeysa/Somaliland
No comments:
Post a Comment