Daraasad cusub oo dhawaan la soo saaray ayaa waxa lagu sheegay in khatar caafimaad oo halis ah ay maskaxda iyo hanaanka shaqayntiisa uu keeno isticmaalka sigaarka taas oo keeni karta dhimasho kadis ah.
daraasadan oo ay sameeyeen khubaro caafimaad oo u dhalatay dalka ingiriiska ayaa waxa lagu sheegay in shantii sano ee u danbeeyay uu si xawli ah dunnida ugu soo kordhayay dhimashada kadiska ah ee uu sababay cabista sigaarka kaas oo waxyeelo xoogan soo gaadhsiiyay qaybo ka mida maskaxda qofka taas oo cidhiidhi galisa hanaanka shaqaynta ee maskaxda kadibna keeni karta dhimasho degdeg ah.
khubarada daraasadan samaynaysa ayaa waxay kormeer ku sameeyeen dad badan oo ka mida kuwa aadka u isticmaala sigaarka kuwaas oo iskugu jiray rag iyo haween waxaana lagu ogaaday in tirada dhimashada ee shantii sano ee la soo dhaafay ee u dhintay sababo la xidhiidha cabista sigaarka ay kor u kacday iyadoo daraasadu cadaysay in tirada dadkaas dhintay ay u badnaayeen dad waxyeelo ay kasoo gaadhay dhanka maskaxda iyo habka ay wareega shaqada u qabto taas oo uu sababay cabista sigaarku.
daraasadan oo lagu sameeyay gudaha dalka ingiriiska ayaa waxa lagu sheegay in dalka ingiriiska gudihiisa tirada dadka sigaarka cabaa ay hada ku dhawdahay 10 million kuwaas oo u dhigma 41% bulshada wadanka ku nool, waxaana tiradaasi iskugu jirta 22% dadkaasi inay yihiin rag, halka 19% ay yihiin haween waxaana daraasadu daaha ka rogtay in dadka u badan ee sanadihii u danbeeyay u dhintay cabista sigaarku ay u badnaayeen haween wadanka ingiriiska gudhiisa.
ugu danbantii daraasadan ayaa waxay ku talisay in la yareeyo isticmaalka sigaarka badan siiba marka qofku uu gaadho marxaladda da'da taas oo soo dadajin karta kharata caafimad ee tira badan ee uu sababto cabista sigaarku.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment