Sunday, September 28, 2014

Xildhibaannad Guurtida oo Dood Xasaasi ah ka yeeshay Dhaqaalaha gaarka ah iyo Wax-soo-saarka dalka

Mudanayaasha Guurtida oo Xukuumadda ku dhalliilay Tahriibinta Biraha Iskaraabka oo Madaxweynuhu Digreeto ku fasaxay ka ganacsigooda oo mabnuuc ahayd!

“Maanta Somaliland Mindi wax lagu gawraco oo dibed ka timaadda ama Yemen ka timaadda mooyaane mid dalka lagu tumaa ma taallo, waayo?...”

“Dawladdu way arkaysaa, iyadaa nooga cilmi badan, way ogtahay, iyadaa dhaqaaleheeda baabbi’inaysa dawladdu. Waxay kari la’dahay dawladdu inay tidhaahdo wax dalkayaga laga soo saari karo dibedda lagama keeni karo ama..” Xildhibaan Dheeg

Hargeysa, 28 Sept, 2014 (Himilo)- Xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland, ayaa dood aad u adag oo xasaasi ah ka yeeshay Wax-soo-saarka iyo Kobcinta Dhaqaalaha waddanka, isla markaana waxa ay Xukuumadda talada haysa ku dhalliileen Biraha Iskaraabka ah ee kala duwan oo maalin walba dalka laga dhoofiyo, isla markaana sifo sharci-ga waafaqsan aan ku bixin sida ay ku doodeen Mudanayaasha qaarkood.
guurtiFadhigii shalay ee Golaha Guurtida Somaliland oo uu guddoominayey Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golahaas Md. Siciid Jaamac Cali, ayaa waxa uu furitaankii fadhigaas Mudanayaasha ku wargeliyey in Xeerka Xabsiyada oo Guddi loo saaro, Guddigaas oo Guurtida ka tirsan ayuu Mudanayaasha ka hor-akhriyey magacyadooda. Waxa kale oo uu Xildhibaannada ku wargeliyey in qodobka doodda Mudanayaashu ku saabsan yahay fadhiga shalay uu yahay qodobka lixaad ee qodobbada Ajandaha Kal-fadhigan oo ah Kobcinta Dhaqaalaha gaarka ah iyo Wax-soo-saarka dalka.
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg), ayaa ugu horreyn dood dheer oo qodobkaas ku saabsan ka jeediyey fadhigaas shalay, waxaanu taabtay meelo kala duwan oo dhaqaale-xumada inay horsed u tahay uu sheegay. “Soomaalidu waxay ku maahmaadaa Ruqe Ninkii lahaa dabada hayaa ma kacdo’! dalka wax-soo-saarkiisa, Dhaqaalihiisa iyo Kobcintiisa mar walba waynu ka hadalnaa, waxaa aynu ku hadalno mar qudha iyadoo wax laga qabtay ma arko, markaa waxa weeye kollay waynu hadli jirnay ee tanna taladii hore halkay mari jirtay ha martee aan ka daba-geeyo.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Dheeg.
Waxaanu intaas ku daray; “Maanta Somaliland Mindi wax lagu gawraco oo dibed ka timaadda ama Yemen ka timaadda mooyaane mid dalka lagu tumaa ma taallo, waayo? Dadkii Sancadaa Birtu way yuururaan, Shaqadoodii waa laga qaaaday oo way fadhiisatay. Karaatoon Midniyo ah, Karaatoon Gudmo ah, Karaatoon Maxaadho ah iyo Karaatoon xataa Mudicii wax lagu mudayey dibeddaa laga keenayaa. Dawladdu way arkaysaa, iyadaa nooga cilmi badan, way ogtahay, iyadaa dhaqaaleheeda baabbi’inaysa dawladdu.”
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo dooddiisa sii watay waxa uu yidhi; “Waxay kari la’dahay dawladdu inay tidhaahdo wax dalkayaga laga soo saari karo dibedda lagama keeni karo ama in ay Cashuurta toban laab kaga dhigto. Gudinta labada Boqol ee Kun maanta maraysa shan iyo toban kun (15,000) oo Lacagta Somaliland ah baannu ku tuman jirnay, Kaabaanka gaadhiga ee jaba ayay meelahaas Geerashyada ka soo qaadan jireen oo ka tumi jireen (Gudmaha), sidaas ayay immikana Ciyaalku u taagan yihiin Bir yar oo dhacda waa la qaadayaa, Xaafad walba (Xaafadaha Hargeysa) waxa ka samaysan Afar Xero oo lagu miisaamo Biraha iyo Xashiishkooda, waxa la geynayaa (Itoobiya) maalin walba lix Baabuur ama toddoba Baabuur oo Biro ah ayaa Hargeysa ka baxa, waxa ku jira Dhiishashka (Saxammada TV-yada lagu daawado) oo habeenkii inta la xado oo la burburiyo la miisaamayaa.”
“Hadalka lagama baydh-baydho waa arrin la isla ogyahay. Wasiir Cali Waran-cadde halkaas (Golaha) ayuu soo fadhiistay, waxaan ku idhi; ‘Mudane Wasiir Wasaaraddaad tagtaba wax baad ka qaban jirtay ee arrintaa Biraha ayaannu marar badan ka hadalnay waxna lagama qaban ee wax ka qabo.’ Ballan buu ku qaaday inuu wax ka qabanayo, waxna kama qaban, waxaanu uga qaban kari waayey waa wax la isla ogyahay, Baabuurtaa Biraha rartaana waxay sitaan Liisan ay Kastammada iyo Kaantarroollada ku dhaafaan, waxaana liisankaa isla og Wasaaradda Daakhiliga iyo dawladda Hoose.” Sidaa ayuu dooddiisa ku yidhi Xildhibaan Dheeg.
Sidoo kale, mid ka mid ah Mudanayaasha Fadhigaa shalay dooddooda ka dhiibtay, ayaa yidih; “Raggaa Farsamo-yaqaanka ah ee Birta tumi jiray waa in Raggaa shaqadooda loo soo celiyo, sida loogu soo celin karaana waxa weeye in Mindiyahaa iyo waxaa soo degaya Cashuurta lagu kordhiyo, isla markaana ay Xukuumaddu Siyaaasad cad ka yeelato, gaar ahaan Wasaaradaha Ganacsiga iyo Maaliyadda oo la dhiirrigeliyaa nimankaas Birta tumi jiray oo Sancadooda in kor loo qaado lagu dedaalaa, waayo? Bir-tume oo dhan baa meesha ka baxay.”
“Xagga Biraha Iskaraabka ah ee la rarayo, waxaad mooddaa inay qaab sharci ku baxayaan, sharcigay ku baxayaanna waxaad mooddaa inaanu waafaqsanayn sharciyadda, oo Sharci Iskaraabka ka hadlayaa Golayaal ahaan innama soo marin. Waxaanan leeyahay Guddi halloo saaro arrintaa Iskaraabka Wasiirka arrimaha gudaha wax ka weydiisa qorshihiisa ku saabsan biraha.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaankaas oo dooddiisa sii watay.
Waxaanu intaas ku daray; “Dhinaca Beeraha, runtii Wasaaradda Beeruhu dedaal badan bay immika ku jirtaa, tijaabooyin badan bay samaysay, Timirtay tijaabisay, Bariiskay tijaabisay, Wasiirkana waxaan odhan lahaa gobollada Galbeedka ayuun baad tijaabada ka samaysaaye dee Barigana dalku waa jiraaye gaadhsii tijaabada wax-soo-saarka Beeraha.”
Xildhibaannada Golaha Guurtida ee dooddooda fadhiga shalay ka dhiibtay, ayaa soo jeediyey in la Kiciyo Wershadaha Kalluunka ee dalka hore uga jiri jiray, isla markaana la curiyo Shirkado shaqaynaya oo ka shaqeeya soo saarista iyo Wershadaynta Kalluunka.
Mudanayaasha qaarkood ayaa iyaguna soo jeediyey in Wax-soo-saarka ugu muhiimsan ee dalku leeyahay yahay Xoolaha Nool, sidaa awgeed-na loo baahan yahay in la ilaaliyo tayada Xoolaha nool Caafimaad ahaan, Daaq ahaan iyo Suuq-geyn ahaanba, maaddaama oo dhaqaalaha koowaad ee dalka iyo dadka Somaliland ku tiirsan yahay Xoolaha Nool.
Xildhibaannada dooddooda dhiibtay oo badnaa ayay qaarkood soo jeediyeen in horumar, maalgelin iyo dhiirrigelin-ba lagu sameeyo wax-soo-saarka Milixda oo ka mid ah Khayraadka dalku leeyahay ee aan si habboon looga faa’iidaysan, ama aanay dawladdu qorshaha Mashaariicda horumarka iyo maalgashiga u baahan ee dalku leeyahay ku darsan ama ugu jirin. Waxay sidoo kale, sheegeen in Qudaarta noocyadeeda kala duwan oo Basasha, Baradhada iyo xataa Tamaandhadu dalka uga yimaaddaan waddamada Yemen iyo Itoobiya, taasina ay tahay wax aan caqliga caafimaadka qaba ee fikirayaa aqbali karin ee loo baahan yahay in laga tashado.
Mudanayaal badan, ayaa iska daba-maray in loo baahan yahay muhiimad wayn in la siiyo wax-soo-saarka Dalagga Beeraha dalka, isla markaana si loogu dhiirrado soo-saarka iyo isticmaalka Raashinka kala duwan ee Waddaniga ah, ay dawladdu Cashuur culus ku soo rogto Raashinka Bariiska iyo Baastada ee dalka dibeddiisa laga soo dhoofiyo, sida ay dalalka caalamkuba u dhaqmaan, iyaga oo Mudanayaasha sidan ku doodayey tusaale u soo qaatay dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya oo waxa dibedda uga imanaya culays badan saara, halka ay dawladdu ka dhiirrigeliso wax-soo-saarka dalkeeda iyo dhoofinta waxyaabaha dalkeeda ka soo go’a.
Gebo-gabadii Xildhibaannada Guurtida xubno ka tirsan, ayaa sheegay in loo baahan in Golayaasha dawladda oo is-kaashanayaa ay abuuraan qaab dadweynaha lagu wacyi-gelinayo sidii ay dalkooda wax ugala soo bixi lahaayeen, isla markaana uga maarmi lahaayeen waxa dibedda uga imanaya, si taas loo helana dawladdu siyaasad cad ka yeelato waxa dalka laga heli karo ee dibedda ka imanaya oo ay tahay in cashuurta lagu laban-laaba, waxaanay Ganacsatada dibedda wax ka soo dhoofisa u soo jeediyeen inay dalkooda maal-geliyaan, isla markaana hoos u dhigaan waxyaabaha dalka laga heli karo ee ay dibedda ka soo daabulayaan. Waxa kale oo ay soo jeediyeen in Cashuurta lagu saddex Jibbaaro Badeecadaha Qaadka, Sigaarka iyo Noocyada Buuriga ee dalka la keeno oo dhib mooyee aan dheef ay u leeyihiin dadka iyo dalka aanay jirin.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment