Saturday, September 27, 2014

Sheekh Aadan-Siiro oo Ka Hadlay Dilkii labada Sarkaal iyo Halista ka dhalan karta Wax-ka-qabasho la’aanta Kooxo hubaysan oo boob iyo dhac u geysta Dadka

Waxa uu xukuumadda u soo jeediyey Fulinta Xukunnada Dilka ah si looga Hortago Xasilooni-darro ka dhalata Dilka oo si fudud loo geysto

 

999999Hargeysa, 27 Sept, 2014 (Himilo)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-Siiro), ayaa ka hadlay dilkii saraakiisha Ciidanka Qaranka loogu geystay deegaanka Qorulugud ee gobolka Buuhoodle, kaas oo uu tilmaamay in shakhsiyaad bulshada dhexdeeda magac ku lihi fasiraado khaldan ku sababeeyeen qaabkii u dhacay iyo ciddii dilkaas geystatay.

Sheekh Aadan-Siiro oo ka mid ah culimada waaweyn ee magaalada Hargeysa, ayaa khudbaddii Jimcaha ee shalay ku soo qaatay sharciyadda Diinta Islaamku u jidaysay abaalmarinta qofka si ku-talo-gal ah u dila qof Muslimka ah, waxaanu xukuumadda iyo shacabka Somaliland ugu baaqay in loo hoggaansamo fulinta qisaasta diinta Islaamku jidaysay si looga hortago falal dilka oo si weyn uga dhaca dalka oo saamayn ku yeelan karta ammaanka iyo xasiloonnida dalka.

Sheekh Aadan Siiro waxa uu cambaareeyey dilkii loo geystay saraakiisha Ciidanka Qaranka oo ku tilmaamay mid fool-xumadiisa leh oo saamayn ku yeelan kara xasiloonida dalka haddii aan tallaabo laga qaadin, haseyeeshee waxa uu muujiyey sida uu uga xun yahay in dhacdadaas fasiraad khaldan iyo sababo aan ku habboonayn loo sameeyo.

Isaga oo arrimahan ka hadlayey waxa uu yidhi, “Waxaan si kooban uga hadlayaa dilkii Bariga ka dhacay innaga oo ku eegayna isha shareecada. Dalkan dadka ku qanacsan inuu noqdo waddan jira oo cadaaladdu ay xukunto oo dadku ay u siman yihiin waxa ka dhexeeya, ayaan ka mid ahay. Dilkaas oo ahaa dil aad u fool-xun, waxaynu aad uga xunnahay dadka buun-buuninta ku sameeyey. Bani’aadamka Khaladku waa dhacaa, laakiin in tafsiir lagu sameeyo maaha, dad waaweynbaa fasiraya oo sababo u samaynaya. Ninka walaalkii kas u dila, xataa haddii loo dilo dambi-dhaaf ma laha.”

“Islaamku wuu la dagaalamay in qof muslim ah la dilo sabab la’aan. Waxaanu aad u cambaareynayaa oo ka soo horjeednaa dilkaas Bari ka dhacay, siduu u dhacay shay aad iyo aad u qaldan weeyi. Xukuumada iyo dadka caqliga iyo Xikmadda leh waxa looga fadhiyaa inay go’aan ka qaataan oo aanay dib inoogu soo noqon arrimaha noocaas ahi. Wax walba waa in lagu bixiyo si ayna arrintaas oo kale u dhicin, waayo nabad-gelyadaa khal-khal galaysa haddii dilkaasi fududaado,” ayuu yidhi.

Sheekhu waxa uu baaq u jeediyey Xukuumadda iyo Shacabka Somaliland, waxaanu yidhi, “Xukuumadda iyo Dadka reer Somaliland-ba waanu ugu baaqaynaa, waar dilka fuliya, ninka qof kas u dila nabad-gelyaduu wax yeelayaa, mustaqbalkuu wax yeelayaa. Illaahaybaa innagu yidhi waar dadyahow haddaad inuun caqli leedihiin ninka qof u kas u dila in loo dilo ayaa kheyrku ku jiraa. Xukuumadda waxaanu leenahay kuwa jeelka ku jira ee dilka u xidhan, hala fuliyo xukunkooda maxaa loo haystaa.”

Dhinaca kale, waxa uu Sheekh Aadan Siirro khudbaddiisa kaga hadlay dhibaatooyin ay ammaanka iyo xasiloonida ku hayaan dhalinyaro xilliyada habeenkii jidadka iyo xaafadaha magaalada Hargeysa iyaga oo kooxo-kooxo ah boob ugu geysta dadka, waxaanu ka digay in haddii go’aan midaysan oo dhibaatada ay bulshada ku hayaan lagaga gaashaanto laga qaadan waayo inay sababi karaan dhaqanno iyo dabeecado hor oo saamayn ku yeeshay mustaqbalka iyo wada-jirka umadda.

“Kuwan habeenkii dadka baadhanaya ee toorreyda sita, dawladda iyo dadkuba hala dagaalamaan. Inan yar oo kibray oo gurigii baadhanaya oo dumarkii baadhanaya. Barigii hore dhalinyarnimada karaamay lahayd oo qofku magaalo kale ayuu yar tagi jiray oo wuu yar fogaan jiray. Kuwan Jaarkii baadhanaya ee inantii uu garanayey iyo gurigii uu garanayey habeenkii u galaya, kaas maxaad ka yeeli lahayd? Waxay heleen dad aan damiir iyo karaamo lahayn, waayo kaasi waa ka sii fidaya ee intuu kibro dadka laynaya. Kaa qoriga sitay ee Saraakiisa laynaya, ayuu dhalayaa kaasi; inankaas yar ee intuu xashiishadda shanta boqol ah cabbo, hablaha baadhanaya ee tooreyda ku qabanaya ee hablihii ka tagi kari la’yihiin guryihii, ee hadhowna nin weyn oo Suldaan sheeganaya ama Oday koofiyad weyn sita ama nin wadaad ahi uu dabo-socdo. Kuwaas ha daba-soconina ee halaga hortago; amnigay wax yeelayaan, dadnimadeenay waxyeelayaan, karaamaday waxyeelayaan,” ayuu yidhi Sheekh Aadan-Sirro.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Maxaad dad iyo umad jirta ka tahay hadday shan inan doonaan inay xaafadda kharribaan oo dadka baadhaan oo Islaanta Agoonta ah ee Salaadda Subax Kallahaysa ee Shanta Carruur ah Korinaysa ee daasadda tammaandhada ah iibinaysa markay soo rawaxdo ay waddada u galaan oo qaadaan intii yarayd ee ay carruurta agoonta ah soo shaqaysay, waar kuwaas ha u cudur-daarina oo ina hebel ha ka dhiginna. Waxay ahayd inta gacan iyo lug la jaro in inta meel la sudho layidhaahdo waa kii carruurta iyo hablaha baadhanayay. Nabaddan maanta la hoos-fadhiyo qaar iyaga ka mid ah ayaa xoreeyey oo la dagaalamay ciidankii ugu awoodda badnaa Geeska Afrika.”

Dhacdada laba sarkaal lagu dilay ee khudbadda Sheekhu kaga hadlay, ayaa laba todobaad ka hor ka dhacday degmada Qorulugud ee gobolka Buuhoodle, ka dib markii Askari ka tirsan Ciidanka Qaranka oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Askar, una dhashay deegaankaas uu xero ciidan oo ku taala duleedka magaalada ku dhex-toogtay laba sarkaal oo ka tirsanaa ciidanka Qaranka, kuwaas kala ahaa Abaan-duulihii Guutada 17aad ee Ciidanka Qaranka isla markaana ahaa Ku-simihii Taliyaha Guutada wakhtiga la dilay Alle ha u naxaristee Marxuum Maxamed Yuusuf Maxamed oo derejadiisu saddex xiddigle (Kabtan) ahayd, halka Marxuumka kalena uu Taliyihii Hawl-gelinta Guutada 17aad Alle ha u naxariistee Marxuum Jaamac Muxumed Xadi (Jaamac Bidaar) oo isaguna Saddex Xiddigle ahaa.

Waxaana dhacdadaasi sababtay in siyaasiyiinta xisbiyada mucaaradku ku dhaliilaan xukuumadda sababta ay gacanta loogu dhigi waayey gacan-ku-dhiiglaha maadama ay goobtu ahayd xero-ciidan, iyaga oo arrimo siyaasadeed iyo mid qabyaaladeeda uga faa’idaystay, waxaanay taasi sababtay bannaan-baxyo khasaare nafeed sababay oo dhowr maalmood ka dib ka dhacay magaalada Gabiley oo labada marxuum midkood u dhashay.

Haseyeeshee, waxa markii dambe heshiis iyo is-afgarad laga gaadhay dhacdadaas oo xukuumaddu ku soo afjartay wada-hadallo iyo kulamo ay la qaadatay madax-dhaqameedka deegaannada ay labada marxuum ka soo jeedaan, ka dib markii wefti culus oo dhowr wasiir ka kooban socdaal ku gaadheen magaalooyinka Gabiley iyo Boorama.

 

 

No comments:

Post a Comment