Friday, September 26, 2014

Qaraxyo Loo Geysto Tareenada Dhulka Hoostiisa Mara Ee Iskaga Dudba New York iyo Paris Oo Laga Cabsi Qabo

Paris:Sep,26,2014(Himilo)-Digniino isasoo taraya oo sheegaya qaraxyo loo geysto Tareenada Dhulka Hoostiisa Mara ee iskaga Gudba Magaalooyinka New York iyo Paris ayaa si dhaw loola socdaa.

subwyDigniintan ayaa ka dambeysay markii la helay warbixino sheegaya in kooxda ISIS ay qorsheynayaan weeraro ay ku qaadaan dalalka xulufada ah ee ka qeyb qaadanaya weerarada kooxdaas lagula jiro.

Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Xeydar Al-Abadi ayaa sheegay in xogtan laga helay dagaalyahano ka tirsan kooxda ISIS oo lagu qabtay gudaha Ciraaq, waxaana uu tilmaamay in kooxdaas ay qorsheyneyso inay weeraraan boosteejooyinka tareenada dhulka hoostiisa mara.

Duqa magaalada New York ayaa sheegay inay heegan geliyeen kumanaan kun oo boolis ah, si ay kaga hortagaan weeraro argagixiso, waxaana lagu wargeliyay dadka ku nool magaalada in maalmaha soo socda ay arki doonaan culeys xaga amni ah iyo ciidamo baaxad leh oo ka qeyb qaadanaya sugida amniga.

Dowladaha Mareykanka iyo Faransiiska ayaa duqeymo cirka ah ka fuliyay baro ay dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya leeyihiin, gaar ahaan dhul ay dagaalyahanada horumar dhinaca dagaalka ah ka sameeyeen.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment