Madaxweynaha Somaliland oo ay weheliyaan Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirradiisa Arrimaha Dibadda, Qorsheynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire iyo Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa madaxtooyada Somaliland kula kulmay Danjire Geert Aagaard, waxaanay ka wada-hadleen arrimo khuseeya sii-xoojinta kaalmada dhaqaale ee dawladda Denmark ka taageerto Somaliland dhinacyada doorashooyinka, horumarinta adeegyada bulshada iyo nabadgelyada.
Kulankaasi markii uu dhammaaday, waxa warbaahinta faahfaahin ka siiyey nuxurka qodobbada laga wada-hadlay wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo Danjire Geert Aagaard Andersen oo si wada-jir ah shir-jaraa’id ugu qabtay Madaxtooyada Somaliland.HALKAN KA DHEGAYSO
[audio mp3="http://somalilandpost.net/wp-content/uploads/2014/09/danish.mp3"][/audio]

Himilomedia.com
No comments:
Post a Comment