
Mas’uuliyiin ka tirsan Britain ayaa sheegay in ninkaas qoor-gooyaha ahaa la aaminsan yahay inuu yahay ninka looga shaki qabo inuu magaciisa yahay Abdel Majed Al-Bari.
Ninkan ka tirsan Khilaafada Islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya ayaa ku labisnaa dhar madow, gacantana ku heystay midiyo uu surka kaga jaray Labadii wariye ee u kala dhashay Mareykanka James Foley iyo Steven Sotloff iyo waliba ninkii sama falaha ahaa ee u dhashay David Haines.
Ninkan ayaa muuqaalo isku mid ahaa ka soo muuqday isagoo qoorta ka jarayay la heystayal u dhashay Mareykanka iyo Britain.
Muuqaalada argagaxa lahaa ee ay soo bandhigay Kooxda ISIS ama Daacish ayaa la rumeysan yahay gacan ka geysatay taageerada loo hayo duqeymaha cirka oo ay ilaa afartan dowladood isku baheysteen dagaal ka dhan ah Kooxdaas.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment