Tuesday, September 23, 2014

Digirta oo la ogaaday inay dawo ka tahay xannuuno dhowr ah

Digirta waxa lagu tilmaamaa inay ka mid tahay firilayda ugu wanaagsan raashinka. Waxa ay hoos u dhigtaa heerka subagowga dhiigga, waxa ay ilaalisaa sonkorta dhiigga iyo shaqada Insuliinta, waxa ay siyaadisaa caafimaad-qabka habka qashinsaarka iyo ugu dambayntii waxa ay ka hortagtaa ama yaraysaa halista cudurka Kansarka.
Haddii aad ka fekerto inuu jidhkaagu helo barotiin, macdanaha jidhka ka ilaaliya sumowga waxaad markiiba haddii aad taqaan maskaxdaada ku soo dhacaya dhammaan cunnada firilayda ah, hilibka iyo khudaarta. Laakiin waxa la isku raacay in digirtu ay ka kooban tahay dhammaanba waxtarka kor lagu sheegay.
Qiimaynta tijaabooyin la sameeyey ayaa lagu ogaaday inay digirtu kala tacaasho unugyada jidhka in cudurka kansarku ku samaysmo iyada oo unugyadan loo diidayo inay tarmaan, waxa kale oo ay hoos u dhigtaa koritaanka baraha iyo finanka waaweyn ee maqaarka dibadda uga soo baxa.
Cilmi-baadhayaal ka tirsan Harvard School of Public Health ayaa baadhitaan ay sameeyeen ka dib ku sheegay in dumarka ugu yaraan todobaadkii laba jeer isticmaala firilaydan ay 24% uga badbaadi karaan inay jeeshaan kansarka naasaha ku dhaca. Darsin daraasado ah oo hore loo sameeyey ayaa digirta ku xidhiidhiyey inay hoos u dhigto halista cudurka wadnaha, macaanka nooca 2aad, dhiig-karka iyo cudurka kanskarka ee ku dhaca naasaha iyo malawadka.
Waxa ay ka kooban tahay xaddi molokuyuulo ah oo ka hortaga sumowga kaas oo ka hortaga waxyeellada dibadda kaga imanaysa jidhka, iyada oo aynu ka helno barotiin iyo ayroon (bir). Waxa kale oo ay ka kooban tahay maadada tryptophan oo inaga caawisa inay qaabayso rabitaanka cunnada, baahida qofku u qabo inuu helo hurdo ku filan iyo sidoo kale inay horumariso xaaladda maskaxeed ee qofku ku sugan yahay. Waxa kale oo ay leedahay maaddada Folate oo qayb muhiim ah ka ciyaarta caafimaadka wadnaha.
Dhanka kale, qaabka isku-daawaynta ee Shiinaha marka la eego, digirta noocyadeeda kala duwan waxa loo isticmaalaa in qofka lagaga daweeyo maan-dooriyeyaasha, sumawga cuntada ku dhaca, dhiig-karka, shubanka, dhagxaanta kelyaha ku jira, roomatiisamka (Jilba xannuunka) iyo daraasin kale oo xannuuno ah.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment