
Baadhitaankan oo dib loogu lafa-guray natiijooyinka 223 darasadood oo la qabtay intii u dhaxaysay sannadihii 1967 ilaa 2010-kii, kuwaas oo laga helay inay xidhiidho ka dhexeeya kalsoonida qofku ku qabo shaqadiisa iyo noloshiisa.
“Dib-u-eegistan waxaanu u isticmaalo daraasado wakhtiyo kala duwan lagu kala faaqiday xidhiidhka labadan qodob, si aanu u fahmno sababaha xidhiidhka ka dhexeeyo kalsoonida labada qodob,” sidaa waxa yidhi Nathan Bowling oo cilmi-nafsiga ka dhiga jaamacadda Wright State University isla markaana hagayey kooxda lafa-gurka samaysay. Waxa kale oo uu isweydiiyey, “haddii ay dadku ku kalsoon yihiin shaqadooda, micnaheedu ma waxa weeyi inay intaas in ka badan ku kalsoonaadaan kuna faraxsanaadaan noloshooda dhammaan?”
Cilmi-baadhayaashu waxa ay ogaadeen inuu jiro xidhiidh aad isugu dhow oo ka dhexeeyo kalsoonida nolosha iyo shaqada. Waxa kale oo gadaal laga ogaaday natiijooyin ku saabsan xidhiidhka sababeed ee ka dhaxayn kara laba nooc ee farxadeed. Taas oo ah in dadka guud ahaan ku faraxsan kuna kalsoon noloshoodu ay sidoo kale kaga badsadaan farxadda iyo kalsoonida shaqadooda.
“Dhanka gurraxan ee natiijada daah-furkani waxa ay tilmaamaysaa dadka aan guud ahaan galsoonida lahayn ee shaqadooda ka raadiya farxad aanay helin shaqo kalsooni u dabbaasha,” ayuu yidhi Bowling.
No comments:
Post a Comment