Sunday, September 28, 2014

Cuqaasha, Shaqaalaha iyo Maamulka Maroodi-jeex oo hadallo is-burinaya kaga jawaabay Cabasho ka taagan Dhaqaalaha ay kaga hawlgalayaan goobaha ee gobolka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka hadashay tabashada Cuqaasha

“Dhaqaaleheenna waynu ognahay, wax la hagradayna ma jiro...Waxaannu ku heshiinnay hawshu inay sideedii ku socoto wixii la isu helayana la isa-siiyo” Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Maroodi-jeex

“Wax lagu heshiiyey ma jiro, saddexdaa Doollar-na Cuqaashu way ka biyo-diidday, wax ka jiraana ma jiraan, welina laguma heshiin ee Wasaaradda arrimaha gudaha...” Afhayeenka Cuqaasha gobolka Maroodi-jeex

Hargeysa, 28 Sept, 2014 (Himilo)- Cuqaasha iyo Shaqaalaha ka hawlgalaya goobaha diiwaangelinta Madaniga ah ee gobolka Maroodi-jeex oo ay ahayd inay Sabtidii shalay si rasmi ah u bilaabto sida hore loo qorsheeyey, ayaan bilaabin shaqada diiwaangelinta, ka dib markii ay cabasho la hor-tageen xarumaha Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Xafiiska Maamulka gobolka Maroodi-jeex, cabashadaas oo ku saabsanayd madmadaw dhinaca dhaqaalaha ay ku shaqaynayaan ah oo ay sheegeen in loo sheegay waxaan u cuntamin oo ay ka biyo-diideen.
CUQAASHA GOBOLKA MAROODI-JEEX EE DIIWAANGELINTACabashadan Shaqaalaha iyo Cuqaasha oo illaa Jimcihii taagnayd ayaa la xidhiidha dhaqaalaha ay filayeen inay kaga shaqayn doonaan goobaha diiwaangelinta Madaniga ah lagu qabanayo ee gobolka Maroodi-jeex, ayaa is-beddeshay markii Dhalinyarada Shaqaalaha ah loo sheegay inay ku shaqayn doonaan toban Doollar, halka ay qaarkood sheegeen in markii ay Khamiistii shaqeeyeen Taleefannadooda loogu soo diray shan shan doollar, kuwaasoo iyaguna Jimcihii cabasho sameeyey, balse uu dejiyey Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire sida ay dhalinyarada qaarkood u sheegeen Warbaahinta.
Lacag Saddex doollar Caddadeedku yahay ayaa Cuqaasha Maroodi-jeex loo sheegay inay kaga hawlgeli doonaan goobaha diiwaan-gelinta Madaniga ah, hase-yeeshee way ku gacan-saydheen, waxaanay ku doodeen inaanay ahayn wax u qalma oo ay Cuqaal ahaan ku shaqayn karaan, sidaa awgeedna aanay wax shaqo ah bilaabin Sabtidii shalay, isla markaana ay sugayaan go’aan dambe oo ka soo baxa Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland.
Badhasaab Ku-xigeenka gobolka Maroodi-jeex Rashiid Axmed Maxamed, ayaa markii ay Cuqaashu Cabashada la hortageen Xafiiska Maamulka gobolka waxay kulan gaar ah oo albaabbadu u xidhnaayeen uu Cuqaasha kula yeeshay Hoolka Shirarka ee Xafiiska Maamulka gobolka, waxaana markii ay shirkaas dhammaysteen ee ay dibedda uga soo baxeen Saxaafaddu waxay kulankooda kaga wadahadleen wax ka weydiiyeen Ku-xigeenka Guddoomiyaha Maroodi-jeex oo ku dooday inay is-fahameen oo ay cabashadaas dhammeeyeen.
“Arrintaa iyada ah kollay Bina-aadamku waxay jecel yihiin korodhsiimo, laakiin waxa weeye dhaqaale ahaan wixii loo qoondeeyey ee loo bandhigay haddii qawad yara yimi wuu iska dhammaaday, hawshuna si fiican bay u socotaa, waanay shaqo-galeen, wax naga xumina ma jiro.” Sidaa ayuu yidhi Ku-xigeenka Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex
Mar uu ka jawaabayey inay Cuqaasha oo kale ka cawday inay maalintii ku shaqeeyaan lacag saddex Doollar qaddarkeedu yahay oo ay sheegeen inaanay ahayn wax u qalma Cuqaal ahaan, waxa uu ku jawaabay; “Wallaahi Dhaqaaleheenna waynu ognahay, Ciidankeennu wuxu ku shaqeeyo waynu ognahay, Shaqaaleheennu wuxu ku shaqeeyo waynu ognahay, duruufteenna dhaqaale waynu la soconnaa, dhaqaale dibedda innooga yimi oo caalamku inna siiyey ma jiro ee innagaa isku tashannay ummad ahaan oo ku tashannay inaynu magaceenna summad u yeelno, dhaqaale wixii aynu helnay waxaynu ka hagrannay ma jiro ama ha yaraado ama ha badnaadee.”
Badhasaab Ku-xigeenka gobolka Maroodi-jeex oo ka jawaabayey su’aal laga sii weydiiyey waxa ay ku heshiiyeen Cuqaasha iyo Shaqaalaha diiwaangelinta ee cabanayey ee joojiyey hawshii diiwaangelinta ee qorshuhu ahaa inay maanta ka socoto gobolka, waxa uu ku jawaabay oo yidhi, “Waxaannu ku heshiinnay hawshu inay sideedii ku socoto wixii la isu helayana la isa-siiyo.”
Hase-yeeshee, waxa heshiiskaas iyo is-fahamkaas uu Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Maroodi-jeex sheegay inay isla gaadheen Cuqaasha saluugga muujiyey, waxa ka dareen-celiyey Caaqil Siciid Cabdi Jaamac oo ah Afhayeen u hadlay Cuqaasha cabashada muujiyey, waxaanu sheegay inaanay waxba ka jirin hadalka uu sheegay Badhasaab Ku-xigeenka, isla markaana wax ay ku heshiiyeen aanu jirin ee ay ku kala kaceen kulan ay wada-yeesheen Masuuliyiinta gobolka Maroodi-jeex. “Arrintaas laguma heshiinnin, wax ka jiraana ma jiraan, waxaannu sugaynaa Wasiirka arrimaha gudaha, wax dambe oo ka soo baxa mooyaane wax dambe oo ka soo baxa mooyee wax lagu heshiiyey ma jiro.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Cuqaasha u hadlay Caaqil Siciid Cabdi Jaamac.
Waxaanu Caaqil Siciid oo la sii weydiiyey in Badhasaab Ku-xigeenku sheegay inay iska afgarteen saluugga Cuqaasha iyo Shaqaalaha diiwaangelinta iyo siday taasi u jirto wuxu yidhi; “Waa la isku diiday arrintaas, waana lagu soo kala-kacay kulanka aannu yeelannay. Welina naguma soo noqon Badhasaab Ku-xigeenku ee Wasiirka ayaannu sugaynaa.”
Mar la sii weydiiyey Afhayeenka Cuqaasha joojinta shaqada shalay socon lahayd ee ay ku dhaqaaqeen inay ayaan-darro ula muuqato Bulshada maaddaama oo ay yihiin Madaxdii Dhaqanka ee dalka iyo dadka, hawshanina ay hawl Qaran tahay iyo waxa qorshohoodu yahay, waxa uu ku jawaabay; “Qorshahayagu wuxu yahay Wasiirka ayaa qorshe cad la imanaya, wixii ay la yimaaddaan ee ka soo baxa ee dambe waa lagu shaqayn doonaa Insha ALLAAH. Shaqaaluhu waa isku mid Caaqil iyo Caaqil la’aan meel ay tagaan-ba, waxa weeye wax baa lagu wada shaqaynayaa, waxaasi markuu soo baxana waa lagu wada shaqayn doonaa.”
“Waxa weeye Shaqada maannaan joojin ee xagga wada-shaqaynta ayaan weli la is-fahmin oo aanay weli ka dhalan wixii lagu shaqaynayey ee ahaa gunnada yar ee yoomiyaha ah, taana marka la saxo ayuun baa la shaqo-tegayaa. Wax lagu heshiiyey-na ma jirto, saddexdaa Doollar-na Cuqaashu way ka biyo-diidday, wax ka jiraana ma jiraan, welina laguma heshiin ee Wasaaradda arrimaha gudaha ayaannu war ka sugaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Cuqaasha gobolka Maroodi-jeex ee goobaha diiwaangelinta gobolka ka hawlgalaya u hadlay Sabtidii shalay Caaqil Siciid Cabdi Jaamac oo warbaahintu su’aalo ka weydiisay diidmadooda.
Haseyeeshee, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdisamad Cumar Maal, ayaa sheegay inay xaliyeen isla markaana ay guddi u saareen tabashada Cuqaasha iyo hawl-wadeenada diiwaangelinta.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment