
Markii kulanku dhammaaday Waxaa Warbaahinta wada-jir ula hadlay Wasiirka arrimaha dibedda Somalialnd Maxamed Biixi Yoonis iyo Safiirka Denmark Kenya u fadhiya Ambassador Geert Aagaard Andersen, kuwaasoo sharraxaad ka bixiyey waxyaabaha ay ka wadahadleen iyo muhiimadda socdaalka uu Safiirka iyo Xubnaha la socdaa ku yimaaddeen dalka Somaliland, isagoo Safiirku sheegay inuu booqasho ku tegi doono illaa Dekedda Berbera ee Somaliland si uu wax uga ogaado qaabka ay Dekeddu u shaqayso iyo hawlaha ka socda qaarkood.
Wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Biixi oo sharraxaya waxyaabaha ay Safiirka ka wadahadleen, waxa uu yidhi; “Waxa halkan noogu yimi maanta (shalay) Safiirkii Denmark oo u yimi inuu la kulmo Madaxweynaha. Denmark iyo Somaliland waxa ka dhexeeya cilaaqaad ballaadhan, waxaanay Denmark ka mid tahay dalalka ugu waaweyn ee wax inna tara, Xafiis ayaanay ku leeyihiin Hargeysa, waxaanu noogu yimi in aannu ka wadahadalno arrimo labada waddan khuseeya, xagga horumarka, in aannu warbixin ka siino xagga doorashooyinka, xagga nabadda, xagga wadahadallada.”
“Markaa, waxaannu ku faraxsannahay kuna soo dhawaynaynaa Safiirka safarka uu noogu yimi, dadka reer Somaliland-na waxay ku faraxsan yihiin dhaqaalaha ay Denmark ku bixiso Sanduuqa horumarinta Somaliland iyo cilaaqaadka fiican ee ay nala leedahay, mar labaad baannu ku soo dhawaynaynaa Somaliland.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.
Hadalkooda ka dib waxay Weriyeyaasha kulanka ay Saxaafadda kula hadleen labada Masuul ka qaybgalay qaarkood weydiiyeen Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi waxaa ka mid ahaa su’aal laga weydiiyey waxayaabaha sababta u ah korodhka Weftiyada dalalka caalamka ka socda ee Somaliland imanaya maalmahan, waxaanu yidhi; “Sidaad u sheegtay Weftiyo badan iyo Safiirro badan baa ku soo qulqulaya dalka Somaliland, taasna waxaannu u aragnaa inay tahay Somaliland dedaalka ay samaysay, nabadda ay haysato, xasilloonida jirta, kalgacayl caalamku u hayo, waddan dhan oo gubanaya oo agtooda ah bay arkayaan, halka waddankanna maanta ku najaxay inuu nabad iyo horumar keeno, dadku waxay wax la qabtaan qofkii wax qabsanaya.”
Wasiir Biixi oo jawaabta su’aashaas sii wadaa waxa uu yidhi; “Markaa, waxa nalagu soo dhawaynayaa waa waxa ay Somaliland qabsatay, aad iyo aad baa loo tixgeliyaa, annaguna haddaannu nahay Wasaaradda arrimaha dibedda nahay ama dawladda ama Wasaaradda horumarka inaannu keenno Hay’adahaa iyo Safaaradahaas oo aannu tusno waxa meesha yaalla iyo maalgashiga loo baahan yahay. Waad la socotaan oo waxa soo socda Shirkii Maalgashiga 14-ka October oo London ka dhacaya. Markaa, waa mahad Illaahay in maanta dadki innoo soo jeedaan oo dadki ay rabaan inay meeshan wax gashadaan, waxaanay tusaysaa wanaagga iyo khayraadka yaalla waddanka, markaa aad iyo aad baan ugu faraxsannahay, waxaanan filayaa inaad idinkuna nala qabtaan.”
Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey waxyaabaha xaqiiqda ah ee ay ka wadahadlaan had iyo jeer Wufuudda caalamiga ah ee aanay Warbaahinta u soo bandhigin, waxa uu yidhi; “Waxyaabo badan baannu ka wadahadalnaa, horumarku waa ka mid, doorashooyinkaa ka mid ah, wadahadallada aannu Xamar la leenahay baa la mid ah, sidaannu jaarka ula noolaanayno ayaa ka mid ah, nabadgelyada iyo doorka ay Somaliland ka ciyaarayso ayaa ka mid ah, waad la socotaan oo xagga nabadgelyada door wayn bay Somaliland ka ciyaartaa hadday xagga Budhcad-badeedda tahay iyo hadday xagga Argaggixisada tahay-ba ama xagga tahriibta oo aannu ka wadahadlayno ha noqoto.”
“Markaa, Somaliland waxa loo arkaa waddan loo baahan yahay maanta inuu ka qayb-qaato ama nabadaynta Xamar ha noqoto ama meel kale ha noqotee caalamkana si fiican ula nool. Markaa, waxaannu qabnaa inuu waddankani dhaqaaqay, caalamkuna xiisaynayo annaguna aannu xiisaynayno inaannu isku soo dhawaanno, waana ILLAAHAY mahaddii.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo sii watay jawaabta uu ka bixiyey su’aasha kor lagu weydiiyey.
Sidoo kale, Wasiir Maxamed Biixi waxa la weydiiyey inay Weftigan Denmark ka wadahadleen arrimaha dhaqaalaha doorashooyinka iyo diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha oo dib uga dhacday wakhtigii laga filayey in Qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland caawa laga helo Dhaqaaleheeda inay kala hadleen Weftiga Denmark iyo in kale, waxa uu ku jawaabay; “Haa waannu kala hadalnay, Denmark waxay ka mid yihiin waddamada Deeq-bixiyeyaasha ah ee aad iyo aad isaga xil-saaraya doorashooyinka, ballan waxay dawladda Somaliland ka qaadday Axsaabta Mucaaradka ah waanigii ku jiray (wadahadalka Xisbiyada iyo Xukuumadda) in wakhtigeeda ay dhacdo doorashadu, waanannu ka codsannay wax-tar, wuxu u yimi waxyaabaha ugu waawayn bay ka mid ahaayeen doorashooyinku, waanannu kala hadalnay, insha Allaahu gacan bay na siin doonaan, annaguna waxaannu ku dedaali doonnaa in doorasho xor iyo xalaal ah oo wakhtigeeda qabsoontaa inay dalka ka dhacdo.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment