Tuesday, September 30, 2014

Madaxweynaha oo Shahaadooyin Guddoonsiiyey 793 Arday oo ah Dufcaddii 11-aad ee ka Qalin-jebisa Jaamacadda Hargeysa

“Dalka Kaalin mug leh ayay (Ardaydu) ugu jirtaa, Shaqo la’aan baahsan ayaana ka jirta, taasna waxa la doonayaa in laga baxo, waxaanan Xukuumadda leeyahay waa waajib in shaqo loo abuur...” Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire

Hargeysa, 30 Sept, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay Shahaadooyin guddoonsiiyey 793 Arday oo ah Dufcaddii 11-aad ee ka qalin-jebisa Jaamacadda Hargeysa oo ku taalla Caasimadda Hargeysa, kuwaasoo wax ka bartay kulliyadaha kala duwan ee Jaamacaddaas.
DSC_0365DSC_0162IMG_0814Munaasibad si heer-sare ah loo soo agaasimay oo loogu talo-galay Ardayda tirada badan ee ka Qalin-jebisay Jaamacadda Hargeysa, ayaa shalay lagu qabtay Hoolka wayn ee Jaamacadda, taasoo ka sokow Ardayda iyo Madaxweynaha ay ka qaybgaleen Masuuliyiinta saddexda Xisbi Qaran, Maamulka iyo Macallimiinta Jaamacadda, Wasiirro iyo Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan, Xildhibaanno ka socday Golayaasha Baarlamanka, Golaha Deegaanka Caasimadda, Maamulka Caasimadda, Maamulka gobolka Maroodi-jeex, Waalidiin, Aqoonyahaniin iyo Profeser-ro laga Casuumay Jaamacada dalka qaarkood iyo Marti-sharaf kale.
Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Prof: Cabdi Gaas, ayaa oo furitaankii Xafladdaas qalin-jebinta ka warramay Marxaladihii kala duwanaa ee ay Jaamacadda Hargeysa soo martay; waxaanu yidhi; “Ardaydan Qalin-Jebinaysa ayaa waxa ay dhamaantood Barteen Culuumta kala geddisan ee lagu dhigto Jaamacadda, waxaanay maanta gaadheen Guul wayn oo lataaban karo haddii ay Juhdi iyo dedaal dheer u soo galeen in ay dhammeeyaan Aqoonta ay doonayaan, intii aan Jaamacadda joogay waxaan kusoo kordhiyay inaannu dhisno qaybo ka mid ah Fasallada sida Hoolkan aynu Maanta fadhino.”
“Waxaannu Xukuumadda u sheegaynaa in ay gacan wayn ka geysato sidii ay kor ugu qaadi lahayd Jaamacadda Hargeysa, Kharashka yar ee aannu ka qaadno Ardayda Jaamacadda kuma filanna inaannu isku kafayno. Jaamacaddani waa Jaamacadda ugu qaalisan marka la eegayo Afrika oo dhan, waxa ay Khuboro badani noo shegeen inaannu aqoontii kor u qaadnay, taasoo Jaamacadda Hargeysa loo Aqoonsaday Jaamacadaha ugu wanaagsan Afrika, Waxaanan Maanta Ardayda leeyahay dalkiinna Dhista.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa University Prof: Cabdi Gaas.
Waxa uu Guddoomiyahu ka warramay inta sannadkan qalin-jebisay inta ay tiradoodu dhan tahay iyo hablaha ku jira oo aad u yar kuwaas oo ku dhiiri galiyay in ay sanadada danbe kor isku soo qaadaan waxaana uu yidhi; “Sannadkan waxa Jaamacadda ka qalin-jebiyay 793 oo Arday, waxaana la doonayaa in kor loo qaado tayada Haweenka, Jaamacadda Hargeysina hurmuud ayay ka tahay waxaana la doonayaa in kaalin buuxda lasiiyo. Waxaan maanta Ardayda leeyahay dalkiinna dhista.”
Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Sare ee Jaamacadda Hargeysa [Board of Directors] ahna Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo isna madasha ka hadlay, ayaa Qaranka ugu baaqay in loo hawlgalo sidii shaqo-abuur loogu samayn lahaa Ardayda qalin-jebisay, waxaanu yidhi; “Maanta (shalay) halkan waxa iigu muuqda Ardaydii lagu soo tabcay oo qalin-jebinaysa, waxaanan Xukuumadda leeyahay waa waajib in shaqo loo abuur.”
“Dalka Kaalin mug leh ayay (Ardaydu) ugu jirtaa, Shaqo la’aan baahsan Ayaana dalka ka jirta, taasna waxa la doonayaa in laga baxo, Ardaydana shaqooyin loo abuur. Waxaanan Anigu idin leeyahay Ardayeey Waxbarashu albaab lago galo ayay leedahay, laakiin male albaab laga baxo.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Xisbil-xaakimka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde, ayaa iyaguna Munaasibaddaa hadallo ka soo jeediyey, waxaanay hambalyo iyo bogaadin u direen Ardayda Qalin-jebisay, Maamulka iyo Macallimiinta Jaamacadda Hargeysa.
Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Hargeysa Prof. Muuse Aadan iyo Xubno kale oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa hambalyo u diray Ardayda qalin-jebisay iyaga oo ku boorriyey inay dedaalkooda halkaas kasii wadaan.
Xubno ka tirsan Ardayda Qalin-jebisay oo Afka Dufcadda 11-aad ee Jaamacadda Hargeysa ka baxday ku hadlayey, ayaa Xafladdoodaas ka hadlay, isla markaana waxay hambalyo, bogaadin iyo ammaanba u jeediyey Maamulka iyo Macallimiinta heerkan soo gaadhsiisay iyo Waalidoontooda kula soo dedaalay waxbarashada oo ay xuseen inaanay la’aantood halkan ama heerkan soo gaadheen.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyaduna madasha ka hadashay, ayaa si faahfaahsan uga warrantay xaaladda Waxbarasho ee dalku haatan ku jiro iyo horumarka aqoonneed ee Jaamacadaha Somaliland oo ay Hoggaaminaysaa gaadheen muddooyinkii u dembeeyey.
Wasiir Samsam waxa dhinaca kale ay Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa ka guddoontay Lacag qaddarkeedu dhan yahay $5000 (Shan Kun) oo Doollar oo ay Jaamacaddu ugu talo-gashay inay kaga qayb-qaataan dhismaha waddada Ceerigaabo. Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Waxbarashadu waxa ay khudbaddeeda ka dib cod-baahiyaha ku soo dhawaysay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo halkaasi Khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa ka jeediyey.
Madaxweyne-Siilaanyo, khudbaddiisa waxa uu kaga hadlay horumarka ay dawladdiisu gaadhsiisay Waxbarashada muddadii uu xilka hayay, isaga oo sheegay in Xukuumadda KULMIYE ay diyaar u tahay kobcinta iyo dhiirrigelinta Waxbarashada. Waxaanu Madaxweynuhu intaas ku daray inuu sannadkan oo keliya ka qaybgalay Munaasibado ay Jaamacadaha kala duwan ee dalku u qabteen Arday ka qalin-jebisay oo tiradooda guud Afar Kun oo Arday ka ban tahay.
“Waxaan halkan Hambalyo uga soo jeedinayaa Guusha ay gaadheen Macalimiintii Kusoo tabacay Ardaydan Maanta inna hor-joogta, Waxbarashadu waa Furaha Nolosha, Waa Halbowlaha Horumarka, Waana Hagaha Mustaqbalka, waxaana ay u kala horreeyaan sida ay aqoon iyo Farsmo kal badan yihiin. Sannadkan waxaan Qalin-jebintooda ka qaybgalay in ka badan Afar Kun oo Arday (4000), taasi waxay Markhaati u tahay kobaca qudheed iyo kor-u-kaca ay bulshada ku dhex leeyihiin dhalinyaradu.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland intaas ka dib, waxa uu Shahaadooyinka guddoonsiiyey Ardayda ka qalin-jebisay Jaamacadda Hargeysa oo ahayd Dufcaddii 11-aad ee Jaamacaddaas ka baxda, gaar ahaan 20-ka Arday ee Kaalmaha hore ka gashay Imtixaankii Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda oo bartay Culuumta kala duwan ee Jaamacaddu bixiso.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment