








Sidoo kale xubno badan oo kid ah shaqaalaha madaxtooyada, ayaa iyaguna Halkaas ku qaatay kaadhka diiwaangelinta, waxana lagu wadaa in dadkii maanta Is diiwaangeliyey ay dhawaan kaadhadhkooda ka heli doonaan xarunta wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.
Wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland oo kamid ahaa masuuliyiintii maanta iska diiwaangelisay xarunta lagu bixinayey kaadhadhka, ayaa sheegay in dhammanba shacabka reer Somaliland looga Baahan yahay inay qaataan kaadhadhka oo is diwaangeliyaan,maadaama sida uu sheegay meesha laga saaray khilaafkii ka dhex aloosnaa mucaaridka iyo xukuumadda.
Wasiir warancadde ayaa isdiiwaangelinta maanta dhacday ku sheegay mid ku-meel-gaadh ah, waxana uu tilmaamay in dhawaan middii rasmiga ahayd la bilaabi doono.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment