
Hargeysa, 27 Sept, 2014 (Himilo)- Siyaasiyiinta ku midaysan Madasha Wada-tashiga iyo dhalinyaro ka soo jeedda Bariga magaalada Hargeysa, ayaa kulan qado ah ku yeeshay Hotel Shiraaqle oo ku yaala darafka Bari ee caasimadda, waxaanay ka wada-hadleen arrimo ku saabsan aayo-ka-tashi siyaasadeed oo ay sheegeen inay kaga arrinsanayaan xaaladda wakhtigan dalku ku sugan yahay.
Kulanka qado-sharafta ah oo dhalinyaradu ku maamuustay Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka, waxa ka qayb-galay Guddoomiyaha Ururrada dhalinyarada Daallo iyo xubno ka tirsan ururka oo kulanka soo qaban-qaabiyey iyo siyaasiin ay ka mid yihiin guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Muj Xasan Guure Jaamac, Afhayeenka Madasha Muj. Ibraahim Dhega-weyne, Eng Maxamed Xaashi Cilmi, Cabdiraxmaan Cabdiqaadir iyo xubno kale oo ka tirsan Madasha Wada-tashiga, waxaana siyaasiyiinta halkaas loogu soo bandhigay marti-qaad ay kaga qayb-galaan shir ay sheegeen dhalinyaradu inay qabanayaan degmada Cadaadley ee gobolka Maroodijeex.
Xubin ka tirsan dhalinyarada sheegtay inay qaban-qaabinayaan Shirka lagu qabanayo Cadaadley oo kulanka ka hadlay, ayaa sheegay inay xisbiyada Mucaaradka ah iyo Madasha Wada-tashiga ay ku martiqaadayaan shirkaas oo uu sheegay inay ka qayb-galayaan dhalinyarada Somaliland.

Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey shirka dhalinyaradu ku marti-qaadday isla markaana u ballan-qaaday taageero ay ku barbar taagan yihiin.
Guddoomiyaha Madasha wadatashiga iyo Toosinta Qaranka Muj. Xasan Guure Jaamac oo kulanka ka hadlay, ayaa yidhi, “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay intaas oo nin oo dhalinyaro ah oo isu timi,oo hawshan bilawday,waxaanan idiin ka mahad naqayaa casuumada aad noo samayseen. Waxaan islahaa markii hore ee aad noo yeedheen hal midh uun aad dardaaran ku tidhaahdaan, oo dhaha kali ha noqonina oo tol badan ayaad leedinhiine oo illaa badhan iyo Lawya caddo dhibta aad qabtaan idin la qabaa jira, kol haddaad bilowdeena waxaan idin odhan lahaa fidiya. waxaanan aad iyo aad ugu faraxsanahay in aad idinku aad horteed garateen oo aad bilowdeen,waanan aqbal nay marti qaadkaas aad na marti qaadeen,waanan idin ku dhiirinayaa.”
Afhayeenka Madasha Wada-Tashiga iyo Toosinta Qaranka Mujaahid Ibraahim Dhaga-weyne oo isna dhankiisa halkaasi ka hadal kooban ka soo jeediyey, ayaa yidhi, “Dhalinyarada waxaan ku guubaabinayaa shirkaas,marka horena marti qaadkan iyo gogoshan aad noo sameyseen iyo qadadan aad noogu yeedheen waanu idin ka idiin ka mahad naqaynaa. Marka labaad soo jeedintaa aad soo jeediseen boqolkiiba boqol ayaanu idin ku raacsanahay,waanu idin ku taageeraynaa oo waanu idin ku garab taaganahay,hiil iyo hooba waanu idin la qaybsanaynaa.”
Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo gebo-gabadii kulankaas ka hadlay, ayaa isna yidhi, “Aad ayaad u mahadsantihiin casuumadda aad noogu yeedheen, qadada wanaagsan iyo waliba rayigan wanaagsanba anagana runtii ididiilo ayaad na galiseen oo in dhalinyartu ay wali nooshahay ayaad muujiseen, shirkana sidaas la yidhi waa wax lagu farxo, waa wax ay tahay in laga shaqeeyo,waana arrin loo baahan yahay, waayo dalku badbaado ayaa uu ubaahan yahay, badbaadanu meel kale ka iman maysee, waxaa ay ka imanaysaa intiinaa yar yar, intayadii waaweynayd iyo intii kale ee fikrada isla qaadata ayuunbaa badbaadada, Illaahay ka sakow, isbedelku ka imanka karaa.”
No comments:
Post a Comment