
“Umaddan wixii gaadhay,halkaynu ku kala tagnay iyo halkaynu ku kala quusanay oo aad goob joog ka ahayd iyo sida aad u hadashay adigoo waliba qoslaya waa laba kala fog ee Soomaali isku imanaysaa ma jirto ee ha ku riyoonin, war moogaad tahaye,” ayuu yidhi Guddoomiyaha KUlmiye
Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya inuu masuul ka yahay carqaladaynta Gobolada Sool iyo Sanaag, “Wuxuu yidhi Sool iyo Sanaag kama tirsana Somaliland, waxaad muujisay Xasan Sheekhow inaad tahay Ninka Dabka ka shidaya Sool iyo Sanaag. Ninka Khaatumo dabada ka wada, Ninka Somaliland dagaalka kuwada ayaad tahay oo aad caddaysatay waana godob kuu taala oo jawaabteeda aad helayso” ayuu yidhi Muuse Biixi.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku dooday in aanay dhici karin inay kala go’do wixii la isku odhan jiray Soomaaliya isla markaana ay lama-taabtaan yihiin 18-kii gobol ee ay ka koobnaan jirtay Jamhuuriyaddii laysku odhan jiray Soomaaliya.
Himilomedia.com
Hargeysa/Somaliland
No comments:
Post a Comment