
Masaajidka Sheekh Axmed Nuur loogu keenay Gabadhan yar ee Sagaal sano jirka ah, ayaa ah Masaajidka lagu magacaabo Abubakar Islamic Center of Washington, kaasoo ku yaalla magaalada Washiington ee xarunta waddanka Maraykanka, looguna geeyey habeennimadii Khamiistu soo galaysay.
Waxa uu Sheekh Axmed Nuur sidaa ku sheegay Qoraal uu habeennimadii Khamiista ku baahiyey bartiisa Facebook ee Barkulanka Bulshada, halkaasoo uu sidoo kale soo dhigay Sawirrada Gabadha yar oo Gabdhkaha Islaamka ahi ku labbistaan loo xidhay oo uu isaguna garab-taagan yahay, Ashahaaddana halkaas Masjidka dhexdiisa ugu qabtay Gabadhaas yar.
Qoraalkaas uu Sheekhu baahiyey waxa uu u dhignaa sidan:-“Gabadhan yar Dadeedu waa 9 Sano, Aabbaheed iyo Hooyadeed waa Gaalo Nasaara ah, waxay tiri Gabadhan yar waxaan rabaa Diinta Islaamka iyo labbiska Dumarka Muslimiinta ah, waxaa Xijaabkaa u xiray Hooyadeed oo aad ugu faraxsan ikhtiyaarka Gabadheeda, waxay ku tiri igeeya Masaajidka, Caawa Salaadii Cishaha ka dib waxaa la iigu keenay Masaajidka Abubakar Islamic Center of Washington, waxay tiri waxaan rabaa inaan barto diinta Islaamka oon dugsiga dhigto.
Haddaba, arrinta Mucjizada iyo layaabka leh Gabadhan yar markay Uurka Hooyadeed ku jirtay waxaa la damcay in la dilo oo la soo rido, arrintaa waxa isku waafaqay Hooyadeed iyo Aabaheed, haddaba markii loo tegay Dhakhtarkii soo ridi lahaa waxaa la saaray qalabkii ilmaha lagu arki lahaa ka dibna ilmihii waa lawaayay, Allahu Akbar waa yaab meesha waxbaa ku jira, Allaah wuxuu qadaray Gabadhan inay muslimad noqoto mucjizooyin kalana way u danbeeyaan inshaa Alaah. Allahu Akbar.”
No comments:
Post a Comment