Thursday, September 25, 2014

Maxaad Ka Taqaanaa Ereyada Iyo Ficilada Ninku Ku Nici Karo Xaaskiisa Haddii Ay Caadaysato

Waxa jira arrimo dhawr ah oo ay lagamamaarmaan tahay in la dhawro lagana feejinaado khaasatan marka laga hadlayo arrimaha qoyska iyo lamaanaha,waxa dhici karta in erayo si aan kas ahayn qofku u yidhaaho ay sababi karto burbur qoyska soo gaadha, sidaas awgeed ayaa waxa jira erayo guud iyo ficilo caam ah oo inta badan ka dhexeeya bulshada gaar ahaan marka laga hadlayo haween iyo rag, xubintan waxaynu wax kooban kaga eegi doona qaar ka mida ficilada ama hadalada ragu ay ka siman yihiin inay dhibsadaan ama ka cadhoodaan taas oo haddii ay sii socoto adeegsigeedu gaadhi karta heer kala tag ah oo uu ku burburo qoysku waxaana kuwaasi ka mid ah:-
1.Adiga oo mar kasta kala hadla arrimo dhaqaale salka ku haya, haweenayda oo mar kasta ninkeeda kala hadasha arrimo dhaqaale oo maaliyad la xidhiidha waxay keeni kartaa inuu cadho badan iyo walbahaar kala kulmo ninku taas oo haddii su’aasha arrintaasi ay muddo dheer soo jiitanto ay keeni karto inuu gaadho heer uu iska xejin waayo cadhada iyo cuqdada uu ka qaado siiba haddii ninku yahay mid dhaqaalaha soo galaa mid kooban oo ka hooseeya awooda bixintiisa inta la weydiiyay.
2.Haweenayda oo mar kasta ninkeeda kala hadasha arrimo la xidhiidha wakhtiga : gabadha oo in badan ninkeeda kala hadasha arrimo ku tacaluqa wakhtiga iyo goobta uu ku maqan yahay ninku waxay keeni kartaa isfaham daro wayn, tusaale ahaan oo kale haddii gabadhu ay ninkeeda inta ugu badan ku celceliso cabasho dhanka wakhtiga la qaadashada ah oo ay ku canaanato in aanu wakhti badan siinin iyada iyo caruurtaba ee uu ka doorbido shaqada iyo inuu wakhti badan la qaato asxaabtiisa, arrintaasi haddii ay noqoto mid soo noqnoqshadeedu ay ku badan tahay ninka waxay dhaxal siin kartaa cadho iyo fikir badan oo uu ka qaado oo hadhaw keeni karta inay ka sii badato.
3.Haweenayda oo ninkeeda inta ugu badan kala hadasha arrimo la xidhiidha shaqada guriga dhexdiisa: ruuxa gabadha ah oo saygeeda in badan ku celcelisa kalana hadasha arrimo la xidhiidha shaqada guriga iyo inuu la qaybsado waxay ka mid tahay arrimaha keeni kara cadho badan oo ninkeedu ka qaado, tusaale ahaan oo kale haddii gabadhu ay ninkeeda u sheegto marar badan kuna celceliso tii oo ku canaanaysa in aanu kala qayb qaadan shaqada guriga ama aanu kala shaqayn arrimaha guriga sida cuno karinta, dhaqida maryaha, caruurta hayntooda I.W.M waxay keeni kartaa inuu ninkeedu la yimaado firxad iyo baxsasho badan isaga oo ka cararaya arrimaha noocan oo kale ah in gabadhu ay inta badan kala hadasho taasina waxay dhaxal siin kartaa mararka qaar inuu dareemo in gabadhani ay tahay mid aan ku haboonayn noloshiisa.
4.Haweenayda oo ninkeeda kala hadasha arrimo la xidhiidha asxaabtiisa gaarka una muujisa nacayb ay iyaga u qabto: arrintan waxay muujiinaysaa nacayb gaar ah oo laga yaabo in haweenaydu u qabto qaar ka mida asxaabta gaarka ah ee ay aadka iskugu dhawyihiin saygeeda, tusaale ahaan oo kale haddii ay gabadhu ku tidhaa ninkeeda ka hadh asxaabtaada aad isku dheertihiin iyada oo ku diidan dabeecado ama sifoooyin ay ka aragtay ama laga yaabo in caruurta yaryar qaarkood aanay jeclayn asxaabta aabahood arrintaasi ay kasoo yeedho gabadha waxa laga yaaba in ninku cadho iyo fikir ka qaado taas oo ay suurtagal tahay inuu ka gaadho heer adag oo waxyeeli kara nolosha qoyska lamaanaha ah.
5. Haweenayda oo ninkeeda ku bilawda erayo ay ka mid yihiin waan ku necebahay markaad…..: waxa laga yaaba in mararka qaar haweenku ka siman yihiin inay hadalkooda ku bilaabaan erayo ay ku odhanayaan waan necebahay markaad sidaas iyo sidaas oo kale tidha ama tahay arrintaas nacaybku ugu horeeyo waxa laga yaaba inay mahadho iyo fikir xoogan ku abuurto maskaxda ninka isla markaana uu is dareensiiyo arrimo qalafsan oo dhibaato ku keeni kara kalsoonidii iyo jacaylkii uu u qabay xaaskiisa taas oo haddii ay sii socoto muddo keeni karta inay sababto burbur qoyska ku yimaada ama wa yeela noloshooda.
LA SOCO…………
Himilomedia.com
Hargeysa/Somaliland.

No comments:

Post a Comment