Cilmi-baadhis cusub oo dhawaan uu soo saaray machadka qaranka ee caafimaadka iyo daryeelka ee Britain, ayaa natiijadii ka soo baxay lagu shaaciyey khatarta badan ee ku jirta ee ka dhalan karta haddii waalidku ubadka yar-yar ay barbar seexdaan xilli aad u badan oo saacado ah inay sabab u noqon karto ama soo dadajiso heerka dhimashada kediska ee ilmaha yaryar.
Daraasadan ayaa si wayn uga digtay in haddii waalidka ubadka yaryar siiba hooyooyinka iyo aabayaashu ay leeyihin balwado maandooriyayaasha ka mid ah in aanay barbar seexan ilmaha yaryar siiba kuwa aan gaadhin muddada korniinka ee ku filnaanshaha ah oo sanadka koowaad ka hosaysa taas oo keeni karta khatar caafimaad oo ilmaha yar lasoo darista iyadoo uu qaadan karo neefta kasoo baxaysa waalidka ag jiifa haddii ay maandooriyayaasha qaar isticmaalaan taasina ay keeni karto dhimashada kadiska ee ilmaha yar.
Daraasan ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in carruurta dhashay ka hor xilliga dhamaystirka uurka ama leh miisaan fudud oo dhalashada ah ay halis badan ugu jiraan inay u dhintaan cuduro dhakhso ah oo degdeg ah kuwaas oo ay ka dhaxli karaan waalidiinta oo hab aan haboonayn u barbar seexda ilmaha yar iyaga oo bawlad ama maandooriyayaal leh, borofisor mark baker oo madax ka ah machadka caafimadka ee briatin waxa uu sheegay inkasta oo aan dunnida wali si buuxda la iskugu waafaqin sababaha rasmi ah ee keeni karto dhimashada kadiska ee ilmaha yaryar hadan waxa la aaminsan yahay in neefta waalidka iyo cidhiidhi ku yimaada ilmaha ay sababi karto arrintaasi.
waxay intaas ku dartay daraasadu in faham la'aan waalidiinta qaar ka haysata dhibaatada ka iman karta iyaga oo jeclaysta inay wakhti dheer ilmaha yar kula seexdaan sariir kaliya ama hal goob ay keeni karto in si fudud ay ula fal gali karaan una gudbin karaan cudurada neefta lagu gudbiyo taas oo soo dadajin karta dhimashada ubadka yaryar,
ugu danbayntii daraasada ayaa waxay ku talisay in firaaqo badan ilmaha yar loo siiyo jiifka kaligi ah siiba xilliga ilmaha yari ku jiro wakhti naasnuujinta ee sanadka koowaad ka hoosaysa si uu korniimo fiican u hello isla markaana ay yaraato khatarta dhimashada kadiska ee ilmaha yar.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment