Monday, September 22, 2014

Shir Lagaga Hadli Doono Maalgashiga Somaliland Oo Dhawaan London Ka Furmi Doona iyo Wasiir Biixi Oo Faahfaahiyey

Hargeysa(Himilo)September-21-2014-Waxa dhawaan magaalda London ee Xarunta Dalka Britain ka furmi doono shir caalami ah oo lagaga hadli doono maalgelinta somaliland, kaas oo ay kasoo qaybgeli doonaan shirkado caalami ah oo dhinaca maalgashiga caan ku ahi.

xqwiShirkan ayaa dhinaca Somaliland, waxana uga qaybgelaya Ganacsato badan iyo xubno kamid ah Golaha wasiirada, waxana waxyaabaha shirka lagaga Hadli doona faahfaahin ka Bixiyey wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo maanta xaruuntiisa saxaafadda Kula Hadlay.

 

Shirka waxa sidoo kale kasoo qaybgeli doona shirkado iyo ganacsato kasocota dalalka galbeedka afrika, iyadoo ganacsatada Somaliland ay diyaar u tahay inay doorkooda ka qaataan.

Wasiirka Arimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis waxa uu sheegay in Shirkaasi ay u arkaan mid muujinaya heerka somaliland Caalamka ka joogto maadaama dunidu danaynayso Khayraadka Somaliland.

“Maanta waxaan doonayaa inaan idinku war galiyo Shirka weyn ee Ganacsiga oo Somaliland iyo Ingiriisku Bisha October 14-keeda ku qabanayaan London.waxay Ingiriisku Shirar hore ka qabteen waddamo badan oo ilaa dhawr iyo soddon waddan ah oo ay ku jirto Malawi, Gabon,Cameroon iyo wadamo fara badan oo Somalia iyo Jabuuti ku jiraan, imikana waxay noqotay doorkeenii” Ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi Yoonis.

 

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis waxa uu sheegay inay filayaan in shirkaasi ay ka qayb gali doonaan Ganacsato badan oo Reer Somaliland iyo Ganacsato Ingiriis ah. Waxa uu sheegay inay Shir ku saabsan ka qayb galka shirkaasi u qabteen Ganacsatada Somaliland, Rugta Ganacsiga iyo Wasaaradda ganacsiga.

“Arinkani waa arin aad iyo aad u weyn, waxaanan u aragnaa in Maanta Somaliland gaadhay heer Caalamkii tixgalinayo in Khayraadkeeda Caalamka loo sheego” ayuu yidhi Wasiirku

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis Waxa uu dhanka kale ka hadlay Wada hadalkii Somaliland iyo Somalia, isagoo sheegay inay filayaan in October la qabto Shirkaasi “Waa Shir aanu doonayno inuu socdo, waayo? Sida kaliya ee aanu ku kala tagi karo Dawladda Xamar waa inagoo wada hadala iyo heshiis” ayuu yidhi wasiirku.

Shirkan ayaa dhici doona 14-ka Bisha Tobnaad ee foodda inagu soo Haysa, waxana si weyn isha ugu haya shacabka Somaliland oo u jeellan inay arkaan dalkooda oo maalgashi helaya.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment