Monday, September 22, 2014

Dawladda Maraykanka Oo Qaybteeda Ka Qaadanaysa Dagaalka Lagu Qaadi Doono Shabaabka Ku Sugan Magaalada Barawe

Barawe:Sep,22,2014(Himilo)-Wararka laga helayo militeriga Somalia, ayaa sheegaya in ciidamo ka kasocda dalka Maraykanku ka qayb qaadan doonaan Gulufka la doonayo in shabaabka lagaga qabsado xaruntooda Barawe.

ibiShalay waxaa Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose ka dhacay shir ballaadhan, oo lagaga hadlaayay duulaan la doonaayo in lagu qaado Shabaabka ku sugan Degmooyinka Baraawe, Sablaawe, Diinsoor, Jilib ilaa Jamaame.

Shirka waxaa ka qaybgalay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), Taliyaha Guutada 5-aad ee Ciidanka Xooga Dalka Korneyl Xasan Dheere, Saraakiil ka kala socotay Mareykanka iyo Qaramada Midoobey, waxaana lagu go’aamiyay in hawlgal mideysan lagu qaado Degmooyinkaasi.

Gudoomiyaha Degmada Qoryooley Maxamed Xaaji Cismaan (Gaagaale), ayaa wuxuu cadeeyay in xoogag ka socdo Dowladda Mareykanka ay ku sugan yihiin Gobolka Shabeellaha Hoose, isla-markaana ay ka qayb qaadan doonaan hawlgalka lagu qabanaayo Degmooyin ay ka mid yihiin Baraawe iyo Sablaale.

Gudoomiyuhu wuxuu kaloo sheegay in hawlgalkaan uu noqon doono mid socdo ilaa Degmooyinka Diinsoor, Jilib iyo Jamaame, si markaliya looga dulqaado waxa uu ugu yeedhay nabadiidka.

Si kastaba ha-ahaatee Ciidanka Dowladda iyo Amisom, ayaa horaantii bishaan ka baaqsaday guluf militari oo lagu doonaayay in lagu qabto Degmada Baraawe.

Ciidamo maraykan ah ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey Ku sugnaa Gudaha Koonfurta Somalia, waxana ay intooda badani awoodda saari jireen tababarro ay siin jireen ciidanka Somalia ee dagaalka kula jira Kooxaha Alshabaab.

Himilo Media

No comments:

Post a Comment