Wednesday, September 24, 2014

London:Ardayad Soomaaliyeed Oo Waxbarashadii Looga Eryey Xidhashada Niqaamka(indha-shareerka)

London:Sep,24,2014(Himilo)-Qaar Kamid ah Warbaahinta Dalka Britain, waxa Ciidamada Ammaanka ee Dalkaasi khalkhalgeliyeen Waxbarashada Ardayad somaliyeed oo wax Ka Baran jitey Dugsi ku Yaalla Magaalada London ee Carro Ingiriis.

aragWarkan oo uu qoray wargeyska London Evening Standard, waxana Ardaydda somaliyeed Da’deeda lagu sheegay 16-jir ah, waxana Waxbarashadeeda looga joojiyey Niqaamka Dumarka Muslimka ahi Xidhaan oo ay Caado ka Dhigatay, waxana ay iska diiday inay isaga la’aantii Dugsiga ku timaaddo.

Gabadhan ayaa waxay wax ka barataa Dugsiga u gaarka ah Hablaha ee lagu magacaabo Camden School for Girls.

Gabadha ayaa la sheegay inay go’aansatay inay niqaab xidhato bishan markii ay Dugsiga ku soo laabato, si ay ugu bilaabanto waxbarashadda Fasalka Lixaad.

Laakiin, Maamulka Dugsiga Camden School for Girls waxay diideen inay gabadha bilawdo waxbarashadda Heerka A, haddii ay ku adkeysato inay xidhanayso Niqaabka.

Gabadh kale oo la dhalatay gabadha Dugsiga laga joojiyey ayaa sheegtay in go’aanka Dugsiga uu aad u dhaawacay Familkeeda, waxayna xustay inay Walaasheeda doonayso inay xidhato Niqaabka sababo iyada u gaar ah iyo inay xaadir ku ahaato Dugsiga.

Duqa magaalladda London, Boris Johnson waxa uu sheegay Niqaabka lagu xidho gudaha Dugsiyadda inay kulligeed qalad tahay, iyadoo tiro ka mid ah Dugsiyadda Sare ee London carruurta yaryar sida 11-jirro lagu khasbo inay xidhaan Indha-shareer.

Dhinaca kale, boqolaal arday oo ay ku jiraan in ka badan 500 oo qof oo si Online u saxeexay U-codeynta taageeradda loo hayo gabadha Soomaalida ee ku adkaysatay inaanay iska dhigi doonin Niqaabka, waxana la filayaa inay arrintaasi gaadho meel sare.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment