
Marka laga hadlayo hawl-maalmeedka qofka ee caadiga ah, waxa jira dadyow badan oo ka cawda saamayn ku timaadda xusuusta kuwaas oo inta badan illowshiiyo lagu salliday, sidaas oo ay tahay, waxa jira siyaabo kala duwan oo qofku xusuustiisa kor ugu qaadi karo isla markaana ka caawin kara inuu noqdo mid dareenkiisu soo jeedo.
Hurdada Maalintii: Hurdo yar oo aad maalintii seexataa waxa ay horumarisaa xusuustaada, gaar ahaan qaybta xusuusta ee ugu dhow. Hurdadan ayey khubaradu sheegayaan inaanay ka badan 45 daqiiqo si qofku xusuustiisa kor ugu qaado. Tan ayaa laga yaabaa inay caawiso ardayda imtixaanaadka galaya.
Jimicsiga: Cilmi-baadhis dhawaan la sameeyey ayaa kalsooni leh loogu xusay kaalinta uu jimicsigu ka gaysto heerka kor-u-qaadista xusuusta qofka. Jimicsigu kaliya maaha iyada oo orod la sameeyo, xataa jimicsiga ugu yar sida adiga oo u lugeeya goobaha aad ka adeeganayso waa sir ku duugan xirfadaha kor loogu qaado xusuusta
Xanjada: Rumayso ama ha rumaysan, calashada canjadu waxa ay awooddaa inay siyaadiso feejignaanta Maskaxda qofka. Xaqiijinteeda oo lagu soo bandhigay gebo-gebada natiijooyin ka soo baxay laba daraasadood oo la kala sameeyey sannadihii 2008 iyo 2012-kii. Intii lagu gudo jiray darasadahan, shakhsiyaadkii ka qayb-qaatay tijaabada oo la faray mawduuc gaar ah, dadkii xanjada calashaday waxa ay kaga wanaagsanaadeen in maskaxdoodu si dhakhso dib ugu soo celiso su’aalihii laga weydiiyey mawduucyadaas. In kasta oo sababta saxda ah ee ka dambaysa saamaynta ay canjadu ku leedahay xusuusta aanay kala caddayn, tusaalaha ugu fudud ee laga bixin karo ayaa lagu sheegay in calashada canjadu ay kordhiso heerka shaqada wadnaha, kaas oo dabadeed kor u qaada xaddiga dhiigga ah ee maskaxda gaadhaya. Haddaba, in kasta oo natiijooyinka daraasadahaasi muujiyeen saamaynta ay xusuusta ku leedahay, haddana daraasado cusub oo la sameeyey ayaa iyaguna tilmaamaya in xanjadu ay kordhiso feejignaanta qofka, waxaana tan tusaale looga dhigay sida ay ciyaartoyga kubadda cagtu u xiseeyaan.
No comments:
Post a Comment