Tuesday, September 30, 2014

Go’aamo laga soo saaray Shaqaaqadii Balliga Diiriye Guuleed iyo Beel ku gacansaydhay

Burco, 30 Sept, 2014 (Himilo)- Guddi ka kooban xildhibaanno Golaha Guurtida ka tirsan loo xil-saaray xal u helista shaqaaqo deegaanka Balliga Diiriye Guuleed ku dhex-martay laba beelood oo wada-dega, ayaa soo saaray go’aamo iyo xukunno lagu soo afjarayo shaqaaqadaa oo labada ardaa ku dhexmartay muran dhinaca dhulka ah.
ssssDeegaanka Balliga Diiriye Guuleed oo ku yaala Woqooyiga Magaalada Burco, ayaa shaqaaqo sababta dhimasho iyo dhaawac isla markaana waxyeello loogu geystay Askar ka tirsan ciidanka ammaanka, ayaa dhexmartay labada beelaha Reer Biniin (Habarjeclo) iyo Cabdalle Arab (Arab) oo deegaankaas wada-dega, kuwaas oo markii dambe guddi odayaal ah oo Guurtida ka tirsan loo xilsaaray, ka dib markii ay ku fashilmeen wasiirro xukuumadda ka tirsan oo deminta shaqaaqadaas loo xil-saaray.
Kulan shalay ku qabsoomay Xarunta Maamulka Togdheer ee magaalada Burco ay goob joog ka ahaayeen Maamulka gobolkaas Togdheer, Labada Beelood ee Muranku ka dhexeeyo iyo guddiga Guurtidu, ayaa lagu shaaciyay Go’aamo iyo xukuunno Guddigu soo saareen.
Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan oo ka tirsan Guddiga Guurtida oo loo xil-saaray deminta shaqaaqadaas, ayaa kulanka ka akhriyey go’aamada iyo qodobbada ay cuskadeen inay ku gaadhaan.
“Markaanu dhegaysanay Dacwada labada Beelood ee Cabdalle Arab iyo reer Biniin oo ku saabsanayd Tuulo dhul daaqsimeed,Beero iyo Faag laga sameeyay Balliga Diiriye Guuleed. Markaanu aragnay Balliga Diiriye Guuleed iyo Tuulooyinka ku hareeraysan. Markaanu aragnay Dhukumentiyadii ay ku doodayeen labada dhinac. Markaanu aragnay qoraal ka soo baxay Gudoomiyaha Gobolka Togdheer kuna taariikhaysan 2002-dii,” ayuu yidhi Xildhibaanka oo sharraxayey qaabka ay u gudo-galeen baadhitaanno natiijooyinkii ka soo baxay lagu saleegayey go’aamada ay guddi ahaan gaadheen.
Isaga oo sii akhriyey baadhitaanno ay sameeyeen, waxa uu intaas ku daray, “Markaanu aragnay Qoraal ka soo baxay Maayarka Burco 2007-dii. markaanu aragnay Heshiiska labada dhinac ee Cabdalle Arab iyo reer Biniin ee ku taariikhaysan 2011, heshiiskaas Oo ka dhacay Nootaayo Sharci ah horteed, Markaanu aragnay heshiiska labada dhinac ee 2011-kii ka hor dhacay Xafiiska Badhasaabka Togdheer,Markaanu ku qanacnay guddida horteedana ku dhaarinay Gudoomiyaha Golaha degaanka ee hore Maxamuud Axmed Xasan oo uu ku dhaartay in warqada 2007-dii si sharci ah uga soo baxday xafiiskiisa, sidoo kale waxay guddidu waydiisay wixii Baliga diiriye Guuleed ka dhisnaa wakhtigaasi, oo ay sheegeen laba dergadood oo midi hoosta banaan tahay iyo laba barkadood oo mid qodisteedu dhamaatay,” ayuu yidhi Mudane Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan.
Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan waxa uu halkaas ka akhriyey go’aamada ay guddiga guurtidu soo saartay oo ka kooban Afar Qodob, kuwaas oo u dhignaa sidan:-
- Waxaa sugnaatay Jiritaanka Tuulada Baliga Diiriye Guuleed iyo Haydh Tuulaheeda, waxase ka reeban in la kala sheegto degsiimada tuuladaas, hana wada degaan sida labada tuule ee kale u wada degaan labada reer.
- In dhulka u dhexeeya saddexda tuulo yihiin Xoolo daaqeen, lagana samayn Karin faag, Beero wixii hore looga qadayna waa in la baabiyo.
- In wixii waxyeellooyin ah ee hore u inay ku dhammaystaan si walaaltinimo iyo dhaqankeenna suubban iyo shareecada Islaamnimada waafaqsan.
- In wixii khasaare ka soo gaadhay Cabdalle Arab amarkii Wasiiradu bixiyeen Xukumaddu bixiso magdhawgooda oo ah saddex barkadood iyo labada dergadood.”
Dhinaca kale, waxa go’aamadaas ay Guddiga Guurtidu soo saartay ku gacan-saydhay Beesha Reer Biniin oo ka dib markii ay guddigu shaaciyeen go’aamada shir-jaraa’id oo madax-dhaqameed iyo Odayaasha beeshaasi ku qabteen magaalada Burco ku sheegay inaanay u hoggaansamayn go’aamadaas oo ay ku tilmaameen qaar lagu afduubay isla markaana lagu buriyey go’aamo ay hore u soo saareen guddoomiyeyaal isaga dambeeyey maamulka gobolka Togdheer.
In kasta oo Madax-dhaqameedka beeshani aanay ka hadal madasha go’aamada lagu shaaciyey, waxa ay sheegeen in aanay u hoggaansamayn go’aamadaas oo ku tiriyeen in loogu xagal-daaciyey beesha kale (Cabdalle Arab).
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment