
Raggan ayaa dacwad oogayaasha lahorkeenay kahor inta aanay kasoo muuqan maxkamada federaaliga ah ee wadankaasi,waxaana lasheegay in xabsiga lagu sii heyndoono kahor inta aanay maxkamadeyntoodu bilaaban ,maadaama sida xafiisku uusheegay baadhitaan iyo su’aalo weydiin raggan lagu sameenayo.
Dacwad oogayaasha ayaa magacyada raggan kukala sheegay Mounir T oo asal ahaan kasoo jeeda wadanka Tunusia iyo Abdiwahid ,wallow xafiisku aanu dhameystirin magacyada raggan.
“waxay ka tageen wadanka Germany sanadkii 2012 si ay ugu biiraan Al-shabab ,tababar ayey ka heleen kooxda Al-shabab ee Somalia” ayaa lagu yidhi warka kasoo baxay xafiiska dacwad oogayaasha.
Dowlada Germany ayaa airport-ka Frankfurt ku xidhay horaantii bishan saddex ruux oo heysata dhalashada wadankaasi oo lagu tuhmay in ay xiriir laleeyihiin Al-shabab
Himilo Media
No comments:
Post a Comment