Saturday, September 27, 2014

Bandhigga Fanka Iyo Suugaanta

“waxan ahay nin waayaha adduun, laga waraystaaye.

 Waxyi iguma soo dego haddana, wax ima seegaane”

kabanWaa mar kale iyo Qormadeennii Fanka iyo Suugaanta oo aynu inta badan ku wadaagnno murtida iyo xigmadda dhex jiifta badwaynta suugaanteenna, taas oo aynu maalinba dhinac  ka maggaabinno. Waxaanu maanta halkii ka sii amba-qaadaynaa barnaamijkan barbarka Maansada Awaala-warranka ah oo ay inta badan Abwaannadu kaga xog-warramaan waayaha nololeed ee soo wajaha. Waxaynu odhan karaa Maansada Awaala Warranku waa suugaanta Soomaalida ta ugu xigmadda iyo murtida badan. Akhristoow si ay suugaantu dhadhan iyo tayo inoogu samayso, aynu milicsanno sooyaalka  ummaddeena oo ay ku dheehan tahay taariikh aad u ballaadhan taas oo iyana ay dhex socotay suugaanteennu, dhacdo kasta, goob kasta, xilli kasta iyo haldoorkii ka qayb qaatay waayihii jiilashii kala danbeeyey ee goob joogga ahaa. Waxannu todobaadkan  isla haanneedi doonnaa gabayga DURDUR ee uu curiyey Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” biloowgii todobaatanaadkii. Gabaygan oo  miisaan wayn ugu fadhiya nolosha bulshaddeenna, waa mar kale iyo qaybtii labaad ee gabayga Durdur:
Wuxuu yidhi darwiishkii Taleex barasho waa doore
Dagaalkaan abaabuley ragii duubka wada qaaday
Daaraawiishta nimankii la baxay waxan u sii daayey
Daliilkii illaah iyo waxaan diinta ugu dhaarshey
Xeer laba dibleeyiyo waxaan daawo ugu yeeley
Waxaan daabcad iyo soodh af badan ugu durduuraayey
Haddii duullan loo baxo waxaan ula dardaarmaayey
Kolka ay dareeraan waxaan duco u taaraayey
Waxaan duhur illaahay baryee tiriyey deeqdiisa
Waxaan Daayimow idhi habeen doqonta oo jiifta
Darfooley la ii dhigay waxaan gees iga duubay
Dug madow waxaan keli ahaan umal la dooyaystay
Dibnahayga waxaan ciil saq-dhexe foolasha u daayey
Dawankaygu qaylada wuxuu gelinna deyn waayey
Dood iyo heshiis iyo waxaan nabad u diidaayey
Waxaan duubi weynow sengaha ugu duulaalayey
Dirkii Xiin-Finiin iyo waxaan seef isula doontay
Dabkaan shiday, waxaan gaal cad diley dabatadaan laayey
Dabayl ii cad goysiyo waxaan kiciyey duufaano
Danab iyo hillaac iyo waxaan weedh is daba joojey
Dillaalkiyo gumaystaha waxaan gooyey dabarkooda
Dulmadoobe iyo Cayn waxaan dhiigga ugu daadshey
Nolol dalab leh oo jaban waxaan geeri uga doortay
Gobanimo daryeel baan lahaa dawladnimo taage
Doorkiyo barbaartaan lahaa dawliska u dhiibe
Deegaanta Hawd baan lahaa goray ha daajeene
Maatada ha deeqdaan lahaa sidigta Doolaabe
Dadkii dhaxal la'aa baan lahaa doogga haw hadho'e
Shanta kala dab raacdaan lahaa degel ha ooteene
Dakharada bogsii baan lahaa doogta kugu taalle
Ha yeeshee sidaan damacsanaa Daayin odhan waaye
Dagaallamaye daad xoog leh iyo daafi bay ridaye
Halkii laygu duugiyo anoo jiifa duni hoose

Ayuun baa daboolkii sanqadho iga dul qaadeene
Calankoo deldelan baa habeen daaha lay furaye
Danwadaag heshiis iyo israac darammal yeedhaya
Laba deristayoo guul heshoo dawladnimo qaatay
Dadkiiyoo xornimo iidayaa daawo lay yidhiye
Dawaad iyo waraaq baan ka helay meel docdayda ahe
Hambalyada intaan deexday baan taarar soo diraye
Dibnahoo qoslaayaan gam'oon seexday dabadeede
Gabbal dumey habeenkoo dam yidhi aan dayaxu joogin
Dad bakhtiyey kul iyo dayro-dhaaf diqim wax laynaysa
Dibindaabyo xeer dabar go'oo doorashiyo beena

Dumar iyo caruur ooyayoo dugeydu yeedheyso
Xaq daguugmey daa'imo la dhacay dunida oo qiiqday
Gobannimo daryeel iyo xil iyo daacadnimo weydey
Dan hallawday guri daad watiyo dawladnimo qaawan
Calankoo ushii diidayoo daabku celin waayey
Fin dillaacay doog soo kacdoo arimi soo daacdey
Ayuun baa dareenkii labaad daaha lay furaye
Intaasoo darxumo oo dhacdaa daawo lay yidhiye
Dibin daabyo uurxumo waxaan dugul madoobaado
Ilmadaydu waxay yaab da'doon ciil isaga duugo
Garab daar maruun baa carshiga layga soo degaye
Maruun baa xabaaliii dednaa wada dayaameene
Dhaaxaan deddiyo taah kacoon soo dingiigsadaye
Dorraad tawradii dhalatay baa daaha lay furaye
Allaylehe durbaanki la tumay waan ku diirsadaye

Godkaygaa digniin iyo farriin laygu soo diraye
Anigoo darmaan fuushan baan soo dabbaal degaye
Waagoo dillaacaan arkoo duushay dhaxantiiye
Dayax soo iftiimaan arkoo nuuray dunidiiye
Dantii oo la helay baan arkoo loo dab shidayaaye
Deegaan is gaadhaan arkiyo xoolahoo dihine
Dadkiiyoo badhaadhaan arkoo reebay dacaskiiye
Dulmigoo carraabaan arkoy daacadii timide
Dikri iyo Quraan baan maqliyo diin la caabudaye
Dacar iyo rag dhuxul daacay baa daawo lay yidhiye
Door-roonayaashiyo raggaan anigu doonaayey
Duqa Janan Siyaad baan arkiyo dawladii sare'e
Dihin curatay oo igadh ah bay ii danbariyeene
Kolkii aan dardugey een dhergaan dooxay hadalkiiye
Dooddaan u jeel-qabey kolkaan madaxda deeqsiiyey
Yaan idhi dan baan leeyahoon duubtay gogoshiiye
Degdeg baan xabaashii ku tegey daal la'aan socode
Dacallada intaan feytay baan hoos u daadegaye
Inkastoon dalluun awdan iyo joogo duni hoose
Albab ii daloolaan carrada diirad ku hayaaye
Degmadiinnna waxa ii fadhiya duulan la aqoone
In dardaarankaygii fulaan helay daliilkiiye
Caawana mid daw iyo jidoo doora iga hooya
Inay dunidu hawl tahay sidii Daayinkuba sheegay
In dedaalku dhaxal waara yahay duugna laga dheefo

Inuu samuhu door dhalo hadday daacadnimo raacdo
Oy dhaqasho ruux doona tahay dib u xasuusnaada
Cirka oo daruuraha marshoo darara mooyaane
Inaan roob da'aa laago rogin dib u xasuusnaada
Haddaan meesha doog iyo tayale duunyo lagu raacin
Inaan doobi loo culan hantida dib u xasuusnaada
Ruuxaan dantiisiyo aqoon waxa daryeelaaya
Inuu deeqda Eebbahay ka qaday dib u xasuusnaada
Daanyeer jarmaadiyo qadhaab gelin hadduu daayo
Inuu ruuxna soor uga durkayn dib u xasuusnaada
Hadday dunidu ber dheef lahayd dux iyo haaneedsi
Dufankii in laga laastay iyo dalaggi hoos yiilley
Oy maana dabagoosi tahay dib u xasuusnaada

Afartaa daleeyaye waxaan dib ugu soo laabtay
Waa toban dastoor tawriyoo deelku wada yaalle,
Ninka caawa loo dadab dhigow maqal dabuubtayda
Diktoorkaan u maahmaahayow hadalku yuu duulin


Dardarta iyo geeddiga socdee meella degi waayey
Gaadiid dadabtii sidee rarada loo duubay
Dabageliska baydiyo ratiga caynka lagu duugay
Baalaha dareeriyo hantida deyr laga leexshay
Dibnaa sheekadii laga xidhee hadalka loo diidey
Daabkiyodumaha laysu tumay warank loo deyley
Daawada la wada qaatay iyo hawsha lagu daastey
Danta loo dhaqaaqiyo fadhiga dabarka loo gooyey
Doorkiyo abwaannada kulmee laysla wada doontay

Ma daalaha hoggaanka u hayiyo cuurka daba taagan
Dabka shidan dayaxa soo bixiyo dirirka loo guurey
Deegaantu meeshay ku taal doqoni waa mooge
Dhul dabayshu toban sii dhaxdoo durugsan weeyaane
Daanshood waxa lagu tagaa boqol diraacoode
In la duulo mooyee si kale looma ood dego'e
Digdigtiyo hayaankiyo guclaha deeddankiyo heesta
Daruuraha in laga dhaansadaa laysku deyeyaaye
Ma dekaame awr daabbadaa lagu dul joogaaye
Doox baa la marayaa badweyn dulin ka buuxaaye
Inkastaad dabbaashiyo taqaan duurka xuliddiisa
Ood dabin ka bood tahay nimaan cidi dareemeynin
Waxa daadka lagu dhaafayaa daacaddoo qudhahe
Ninkastaa dawaar xiimayuu dacalka haystaaye
Doonnidu ninkii ay riddow dan iyo xeeshaada

Afartaa daleeyaye waxaan dib ugu soo laabtay
Waa Toban Digriidiinnu tidhi sii diktoorada'e
Ninka caawa loo dadab dhigow maqal dabuubtayda
Diktoorkaan u maahmaahayow hadalku yuu duulin


Waxay tidhi dalkaan wada aqaan labada daamoode
Deyn nimaan ku leeyahay hadduu daw I marin waayo
Waxay tidhi xaqii iga durkaan doonan karayaaye
Waxay tidhi gammaan doobir leh oon daalin baan ahaye
Waxay tidhi halkii didib ah baan dibi ku jeexaaye
Waxay tidhi dixdiyo buurahaan dalag ka beeraaye
Waxay tidhi durduurtiyo khamriga waan ka daahnahaye
Waxay tidhi darmaan curatay baa lay dambariyaaye
Waxay tidhi surwaal duluc-lehoo daadsan ma aqaanne
Waxay tidhi go'duugaan xidhaa dacal hagoogtaaye

Madaxayga deeb uma oggoli waxaan daweynneyne
Darro iyo malaas baan timaa ugu dedaalaaye
Duunyadu hadii ay gudhoo dooga la idlaysto
Waxay tidhi diraacaha dhacaa ima durreeyaane
Waxay tidhi dibtaag naaxday baan daban aqaannaaye
Waxay tidhi galleydaan dubtaa duraha jiilaale
Digir iyo hadhuudh lay karshaa wayga degayaane
Dantu waxay I siisaan gutaa Daayin mahadshaaye
Waxay tidhi digaaggiyo ma cuno hilibka doofaare
Darib iyo mud baan kaga baxaa diifta gaajada'e
Waxay tidhi haddaan guur damcoo dumarka xiiseeyo
Dabagaab shisheya ah ma geyo imana deeqaane
Waxay tidhi hablaa diibka-laa aniga ii doonnan
Intaas hal oo dood ah iyo faallo daba joogta
Oon Deel ka wada sheegay baan daacad kuu idhiye
Waanada ha diidina rag waa lal dardaarmaaye.

 

 

Diyaariye:

Abwaan/Qoraa: Maxamed Aw Cali Cartan “Haldeeq”

Soomaaliland

Hargeysa.

 

 

No comments:

Post a Comment