
Labadan nin ayaa gurigii ay degenaayeen laga helay hub iyo waxyaabaha Qarxa. Marcos Sefkovic oo u hadlay Midowga Yurub, ayaa sheegay in uu jiro qorshe laga cabsi qabo in kooxda Daacish kusoo weerarto xarunta Midowga Yurub, taasina keentay adkeynta amaanka dhamaan xarumaha Midowga Yurub ee ku yaal Brussels.
Dalka Australia, ayaa isaguna ka cabsi qaba in weerarro ismiidaamin iyo afduub isugu jira ay Kooxda Daacish dalkeeda ka geysato, iyadoo kaga aar-gudanaysa ballan-qaad ay dawladda dalkaasi u samaysay Maraykanka iyo Xulufadiisa oo ay sheegtay inay kala qayb-qaadanayso dagaalka dhinaca Cirka lagaga duqaynayo Fadhiisimmada Daacish ee Suuriya iyo Ciraaq, iyagoo 15 qof oo dalkeeda ku noolaa oo Muslimiin ah u xidh-xidhay cabsida ay ISIS ka qabto.
Dawladda Maraykanka iyo Xulufo Carab iyo Reer Galbeed isugu jira oo uu hoggaaminayo, ayaa Salaasadii shalay duqayntii ugu cuslayd ee dhinaca Cirka lagaga qaado Kooxda Kooxda Daacish ee Khilaafada Islaamiga ah bishii Ramadaan ee sannadkan kaga dhawaaqay Ciraaq iyo Suuriya, waxa laga fuliyey qaybaha ay dalka Suuriya kaga sugan yihiin ISIS.
No comments:
Post a Comment