Saturday, September 27, 2014

Maxaad ka taqaanaa Noolayaasha Awoodda u leh inay Saadaalin karaan Dhul-gariirka? Maxaase lagu gartaa?

dhul gariirkaNooc raha ka mid ah ayaa u muuqda inuu dareemi karo haddii goobta uu ku nool yahay dhulgariir ku soo fool leeyahay, waxaanu kaba guuraa goobtaas maalmo ka hor inta aanu qarxin.

Caddaynta jiritaanka arrintan ayaa laga ogaaday ka dib markii kooxo nooca Rahan ay ka qaxeen saddex maalmood ka hor dhul-gariirkii ku dhuftay waddanka Talyaaniga sannadkii 2009-ka. In kasta oo aan la aqoon sida uu rahu u dareemo dhul-gariirka, haddana waxa la xaqiiqjiyey in kuwa da’da yar iyo kuwooda labka ahi ay qaxaan.

Khubaro ku takhasustay cilmiga deegaanka ayaa sheegay in xayawaankani uu guuro geeddi masaafo ahaan u jirta 74km goobta ay haleesho masiibada dabiiciga ahi.

Way adag tahay in daraasad lagu sameeyo qaabka ay xayawaanadu ugu jawaab celiyaan saamaynta masiibooyinka dabiiciga ah, dhulgariirka oo kuwan ka qayb ahna waxa la ogyahay inuu si nadir ah ku yimaaddo isla markaana aan la saadaalin karin. Inkasta waxa jira daraasado hore loogu sameeyey sida ay uga jawaab celiyaan xayawaannada dab-joogta ahi, laakiin waxa adkaatay qiyaasidda heerka jawaab-celinta xayawaanada duur-joogta ah.

Khabiirka hormoodka ka ahaa daah-furka lagu ogaaday sida rahu u garto dhul-gariirka, oo ka tisan Open University ee Ingiriiska, waxa uu si joogto cilmi-baadhistiisa ugu samaynayey dabeecadda noocyo kala duwan oo Raha ah wakhtigii uu dhul-gariirku ka dhacay Talyaaniga. Waxa uu ogaaday hoos u dhac ku yimid tirada raha lab oo hoos u dhacday 96% shan maalmood ka hor dhul-gariirka. Sidoo kale, waxa hoos-u-dhac ku yimid tirada raha dheddig ee xaamilada ah oo saddex maalmood horteed aanay waxba ka joogin.

Isbeddelka ku yimaadda hab-dhaqanka rahu waxa uu xidhiidh la leeyahay geddoon ku dhaca lakabka birlab-danabeedka ah ee ugu sarreeya gibilka dhulka (ionosphere), kaas oo cilmi-baadhayaashu ogaadeen markii dhulgariirku dhacay iyaga oo isticmaalaya habka loo yaqaan VLF oo lagu adeegsado raadyow duubaya codka mawjaddiisu aad u hoosayso.

Daraaad kale ayaa laftigeedu tilmaan buux ka sheegtay jawaabta xayawaannada qaarkood ku qaabilaan dhul-gariirka. Cilmi-baadhayaashu waxa ay ogaadeen in qudhaanjadu aanay wax dareen ah ka muujin imaanshiyaha dhul-gariirka.

 

No comments:

Post a Comment