Waxay Somaliland ka soo gudubtay marxalado kala duwan oo mid waliba ay leedahay waayaheeda, duruufteeda, dhaqankeeda iyo hogaaminteeda, taasaa sahashay inaynu u gudubno marxalad iyo wakhti nabadeed, horumar, midnimo iyo talo-wadaag, taasoo ku salaysan hogaaminta golayaasha qaranka iyo xisbiyada qaranka waxaana muhiimada koowaad leh hogaanka madaxtooyada oo isagu ka madaxa kana wakiila shacbiga somaliland iyo xukuumada oo ah golaha fulinta.
Xisbiyada mucaaradka ahi waxay leeyihiin ahmiyadooda, waxase taariikhdu soo tustay oo aynu ka baranay sooyaalka geedi socodka axsaabta siyaasada ah ee geeska afrika, waxaana mararka qaarkood isku qaldama barnaamijka xisbiga oo ku salaysan danta qaranka iyo rabitaan damac siyaasadeed oo mararka qaar ku kalifa hogaamiyaha mucaaridka inuu garaaco albaab aan ahayn kii saxda ahaa.
Waxaase aan ka baranay waayo araga dimuquradiyada somaliland, in khilaafaad ka dhaco xisbiga muxaafidka iyo xisbiyada mucaaradka, ama xisbiyada mucaaridka iyo xukuumada oo mararka qaarkood ka baxa khadka cagaaran ee siyaasada dagan, waxaase aynu ku guulaysanay markasta oo khilaaf yimaado oo uu cirka isku shareero dadkuna ay ku jaho wareeraan waayo ma filayaan rubuc qarni ka dib in khilaaf si sahlan u bilaabmo iyadoo madaxda hogaaminta ee somaliland haday tahay xisbi iyo haday tahay golayaasha qaranka ama xukuumada ay isku jiraan intooda badani wax ka yar boqol talaabo.
Waxa kale oo aan meesha qabanayn oo yaabka dadka ka mida in madaxdu ay is arki karaan saacada ay doonayaan ee dani jirto oo ay toos uga wada hadli karaan wixii talo ah iyo tilmaama, ama cabasho ah ama toosina iyadoo aan saxaafada laysku marin oo aan adduunka la tusin caloosha somaliland oo waliba inta badan khilaafaadkaasi ay yihiin samays.
Waxa hubaal ah in khilaafaad kasta oo aan dan u ahayn dalka iyo dadka uu fursad siinaayo cadawga dibada iyo cid kasta oo doonaysa inay hakiyaan geedi socodka xawliga ah iyo isku diyaarinta diwaan galinta madaniga ah albaabka lagu dhamaystiraayo diwaan galinta doorasha madaxtooyada 2015 oo madaxweynuhu marar badan ku celceliyay.
Waxaan ku hambalyaynaa madaxda xisbiyada mucaaridka iyo Madaxwaynaha Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo shirkii ay ku yeesheen qasriga madaxtooyada iyo go’aankii ka soo baxay shirkaasi oo ahaa in labada dhinacba ku heshiiyeen qorshihii diwaangalinta madaniga iyo tan doorashada labadaba, waxaana isaguna mahad leh wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancade oo si wadaninimo leh, tudhista qaranka ah dulqaad iyo khibrad leh uga soo baxay xilkii saarnaa wasaarada oo ahaa diyaarinta kaabayaasha diwaangalinta oo dhan taasoo sahlaysa in wakhtigeedii la qabto.
Ugu danbayntii waxaan ugu yeedhaynaa xisbiyada mucaaridka ah oo aad ugu mahadsan gaadhista mawqifkaas iyo xukuumada inay sii xoojiyaan hawl galka diwaan galinta taasoo muujinaysa qaranimada somaliland.
Xasan Suudi Xirsi
Siyaasi madaxbanaan
Bashkail30@hotmail.com
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment