
Haweenaydan oo lagu magacaabo Mariam Al Mansouri oo duuliye ka ah diyaarad dagaal oo nooceedu yahay F-16 ee Maraykanku farsameeyo, balse dalka Imaaraadka laga leeyahay, ayaa qoyskoodu deyriyeen maadaama ay ka qayb-qaadatay gar-darrada dalalka reer galbeedku ku qaadeen dalka Suuriya, sida ay ku sheegeen qoraal ay iskaga bari yeeleen hawl-galka gabadhooda ka qayb-qaadatay.
Qoraalka qoyska Mariam ayaa sidoo kale taageero loogu muujiyey Kooxda Daacish, iyagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin geesiyaasha Islaamka ah dawladda Islaamka ah kaga dhawaaqay Ciraaq iyo Suuriya.
“Hadaanu nahay qoyska Mansouri ee Imaaraadka Carabta waxaanu halkan ku caddeynaynaa inaan deyrinay qofka lagu magacaabo Mariam Al Mansouri iyo weliba qof kastoo ka qeyb-qaata weerarka cadowtinimada ee caalamiga ah ee ay bilowga ka tahay inantayadii xumaatay,” sidaas waxa lagu sheegay qoraalka Qoyska reer Mansour oo ka tirsan qoysaska ugu awoodda badan Imaaraadka Carabta, kaas oo lagu baahiyey saxaafadda Adduunka oo si weyn uga faallootay tallaabada ay kaga dareen-celiyeen hawsha gabadhoodu ka qayb-qaadatay.
“Waxaan ka codsanaynaa shacabkayaga inaanay soo xambaarin cawaaqibka falalka ay geysatay shaqaabadda loogu yeedho Mariam Al Mansouri. Dhamaan xubnaha qoyskayagu way isku waafaqsan yihiin qoraalkan,” sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka ay qoyska reer Mansuur ku deyriyeen gabadhooda oo noqotay haweenaydii u horeeyey ee duuliye ka noqota diyaarad dagaal oo waddan Carbeed yeesho.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment