Tuesday, September 23, 2014

Culimo Tabliiqiyiin ah Oo Shabaabku Ku Xidheen Deegaanno Ka Tirsan Gobolka Hiiraan

Buulo-burde:Sep,23,2014(Himilo)-Ciidamo ka tirsan Ururka Alshabaab eek u sugan Gobolka Hiiraan, ayaa saaka xidhxidhay Jameecooyin ka tirsan Culimada Tabliiqa loo yaqaan oo u kala gooshayey deegaano ka tirsan Gobolkaas.

tabliCulimadan ayaa la sheegayaa in la xidhay xilli ay Deegaano ku yaalla Beledweyn iyo Buullaburde, waxana xilliga la xidhxidhay ay ku Hawllanayeen Hawlo Baraarujin ah oo dhinaca diinta islaamka ku saabsan.

Halka lagu qabtay wadaadadan oo tiradoodu ahayd 9 ayaa lagu magacaabaa Tuulada Halgan oo ay ka taliyaan Ururka Al-shabaab, waxayna ku eedeeyeen wadaadadan in ay yihiin kuwo ka yimid magaalada Buulo Barde loona baahan yahay in xadhig la marsiiyo Al-shabaab ayaa hadalkaas u sheegtay odayaal iyo waxgarad u tagay sidii ay uga sii dayn lahaayeen wadaadadan.

Ururka Al-shabaab hore ayuu sidan oo kale waxa uu dhowr jeer leexsaday wadaado Tabliiqa oo ku dhex safrayey deegaamada ay ka taliyaan, iyagoo dhawaan deegaanka Garasyaani ku dilay Saddex ka mida Wadaadada Tabliiqa.

Culimada tabliiqa, ayaa iyagu taga meel wal oo dad ku noolyihiin caalamka, waxana ay si xooggan u joogaan Deegaannada soomaalida, marka laga reebo meelaha culimada Ahulusunna ku xooggan yihiin.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment