
Aqoonyahanadda aan si kooban oo kadab leh uga hadli doonno waxa ka mid ah Imaamu Bukhaari, Imaamu Muslim, Imaamu Abuu Daa’uud, Imaamu Nasaai, Imaamu Ibnu Maajah, Imaamu At-tarmidi, Imaamu Al Albani iyo Imaamu Shariif Cabdi Nuur.
TAARIIKHDA IMAAMU BUKHAARI
Magaciisa iyo Meeshuu ku Dhashay.
Abuu Cabdullaahi Muxammed ibnu Ismaaciil ibnu Ibraahiim ibnu Muqhiira ibnu Bardizba Al Jacfi Al bukhaari.
Aabihii Ismaaciil ibnu Ibraahim sida uu Ibnu Xibbaan ku qoray Kitaabkiisa “A-Thiqaat”, waxuu yidhi, “Bukhaari aabihii waxuu axaadiista ka weriyaa Xammaad ibn Zeyd iyo Imaam Maalik, isagana Ciraaqiyiin ayaa kasii weriya.”
Waxuu ku dhashay meesha la yidhaahdo Bukhaara oo ku taal Asia, hadana loo yaqaan “Uzbekistan”. Bukhaara waxay u jirtaa Samarqandi meel loo soconayo 8 maalmood. Waxuuna dhashay maalin Jimca ah oo ay 3 berri ka hadhay Shawaal dhamaadkeeda. Sannadku markuu ahaa 194 Hj.
Barbaarintisii iyo Cilmi-raadintiisii.
Imaamka aabihii waxa la oofsaday isagoo dhalaan ah oo aad u yar. Markaa waxa soo korisay hooyadii. Waxaana uu bilaabay cilmiga isagoo yar.
Isagoo iska sheekaynaya, waxuu yidhi, Waxa la igu ilhaamiyay ama la igu manaystay inaan xafido axaadiista anoo jira 10 sanno ama ka yar. Markaan gaadhay 16 sannana waxaan xafiday Musanafaatka Ibnu Mubaarak iyo Wakiic. Kadibna waxaan xajka u raacay hooyaday iyo walaalkay.
Markii aan gaadhay 18sano ayaan bilaabay inaan qoro kitaabka “Qadaayaa saxaaba wa Taabiciin”. Kadibna waxaan Madiina ku qoray Kitaabka “A-Taariikh”. Waxaana kitaabkaas qori jiray habeenada uu dayaxu joogo. Taariikhda qof uu magaciisa soo maray oo aanan qiso ka haynin majiro, laakiin waxaan diidanaa inuu kitaabku iska sii dheeraado.
Imaamku waxuu u tagay cilmi raadinta meelo badan. Waxa la sheegay inuu u safray Makka, Madina, Ciraaq, Shaam, Masar iyo Khurasaan.
Culimadiisa iyo Dadkuu Xadiis ka maqlay, waxaan ku soo koobnay:
- Maxamed Ibnu Sallaam
- Maxamed ibnu Yusuf al Beykendiyin.
- Cabdullahi ibnu Muxammad al Musnadi.
- Ibnu Al-ashcath.
- Al Xumeydi
- Cabdicaziiz al Uweysi
- Mudharaf Ibnu Cabdillaah
- Makkiy ibnu Ibrahim
- Axmed ibnu Xanbal
Ma soo koobi karo dadka uu xadiis ka maqlay. Mar uu ka hadlayay inta qof ee uu xadiis ka qaatay waxuu yidhi, “Waxaan xadiis ka qoray 1008 qof, oo kuligoodna ay wada yihiin dad axaadiista lagu yaqaan.”
Xifdigiisa iyo Fahmadiisa:
Imaam Bukhaari hadaan nidhaahno waxaanu soo guurinaynaa hadaladii laga sheegay iyo sifadiisii ma soo koobi karno. Intaasoo kutub ayaa laga qoray, laakiin inshaAllah waxaynu soo qaadan hadalada culimada qaarkood.
Maxamed ibnu Azhar al Sajistaani waxuu yidhi, “Anagoo joogna majliska Suleymaan ibnu Xarb oo uu Bukhaarina nala joogo isagoo dhagaysanaya xadiisyada oo aan waxba qorayn, ayay dadka qaar yidhaahdeen oo maxuu wax u qori la’yahay?. Markaas ayaa la yidhi, intuu axaadiista dhagaysto ayuu markuu wadankiisii ku laabto qoraa. Allahu Akbar bal Ilaahay xifdiguu ku manaystay adoonkiisa daya.”
Maxamed ibnu Xamdawiyah waxuu yidhi, “Waxaan maqlay Bukhaari oo odhanaya, waxaan xifdisanahay Boqol kun oo xadiis oo Saxiix ah iyo Labo boqol oo kun oo aan ahayn Saxiix.”
Imaamul A’ima Ibnu Khuzeyma waxuu yidhi ” Ma arag qof binu Adam ah oo samadan sokadeeda ku nool (yacni aduunkan jooga ) oo ka xifdisan Axaadiista Rasuulka Sallalaahu Calayhi wasalam Muxamed ibnu Ismaacil Al Bukhaari”.
Culimadii isaga ka qaadatay axaadiista:
- Abuu Zurcata Raazi
- Abuu Xaatim Raazi
- Imaam Tirmidi
- Imaamu Muslim
- Muxamed ibnu Muslim al Marwuzi
- Ibnu Khuzeyma
- Abul Cabaas as-Siraaj iyo Culimo kale oo badan.
Kutubtiisa
- ( Waa kitaabka ugu saxsan Qur’aanka kadib Jaamic Assaxiix
- Adab Al Mufrad
- Rafcul yadayn fi salaa
- Al Qira’atu khalfa al imaam
- At-Tariikh Al Kabiir
Imaamka taariikh nololeedkiisa waxaad ka heli kutub badan sida: Tadhkiratul Xufaad ee uu Qoray Dhahabi. Dhabaqaatu Shaaficiya ee uu qoray Taajudiin a Subki, Tahdhiib a Tahdhiib ee uu qoray Ibnu Xajar, Al Bidaaya wa Nihaaya ee uu qoray imaam Ibnu Kathiir iwm.
Geeridiisii
Imaamka wuxuu ku geeriyooday meel la yidhaado Khartanik oo ku taal Samarqandi. Waxaana la oofsaday habeen Sabti ah salaada cishe kadib. Waxayna ahayd habeenkii Ciidul Fidri, waxaana la aasay maalinkii ciidul fidriga salaada dhuhur kadib. Sanadku markuu ahaa 256 Hj. Isagoo markaa jira 62sano.
Imaam ibnu Kathiir waxuu ku sheegay kitaabkiisa “Al bidaaya wa nihaaya”, imaamku wuxuu ka tagay cilmi anfacay dhammaan Muslimiinta oo dhan oo cilmigiisu muu go’in weli”.
Guuleed Maxammed Yaasiin Dalxa
Jaamacadda Gollis, Kuliyadda Shareecadda iyo Daraasaadka
0634839797
No comments:
Post a Comment