Saturday, September 27, 2014

Dawladda Kenya oo Al-baabbada u laabtay Maddarasado Diinta Islaamka iyo Qur’aanka Kariimka ah lagu baran jiray

SAWIRKA KITAABKA QUR'AANKA KARIIMKA AH OO MACALLIN ARDAY U DHIGAYONairobi, 27 Sept, 2014 (Himilo)- Dawladda Kenya, ayaa sheegtay in gabi-ahaanba ay albaabbada u laabayso oo ay xidhayso Xarumaha Islaamiga ah iyo Maddarasadaha Qur’aanka Kariimka ah lagu barto ee dalkeeda ku yaalla, kuwaasoo ay dawaladdu aaminsan-tahay in dhalin-yarada lagu baro xagjir-nimada.

Illaa iyo hadda waxa Ciidamada amniga ay xidheen Maddarasado Diinta Islaamka lagu baran jiray oo lagu magacaabo Machakos, taasoo 60 KM Koonfur-Bari ka xigta magaalada Caasimadda ah ee Nairobi sida ay xaqiijiyeen Masuuliyiinta dawladda.  Sidoo kale, waxay Ciidanka Ammaanka Kenya albaabbada u laabeen Maddarasad kale.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha gudaha dawladda Kenya oo lagu magacaabo Mwenda Njoka, ayaa BBC-da u sheegay in go'aan lagu gaadhay in la xidho Maddarasadaha lagu magacaabo Xarunta Daarul-Irshaad oo dalkaas laga furay sannadkii 1997-kii.

Waxa kale oo gacanta lagu dhigay tiro dhalinyaro ah oo Maddarasaddaas dhigan jiray, kuwaasoo looga shakisan-yahay in loo tabobbaray sidii ay ugu biiri lahaayeen kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya oo labadii sano ee u dambeeyey weerarro iyo dagaallo qorshaysan ka fuliyey gudaha waddanka Kenya.

“Dawladdu waxa ay beegsanaysaa Iskuulada lagu barto Diinta Islaamka iyo waxyaabaha la xidhiidha jihaadka iyo cid kasta oo dhalinyarada ku dhiirri-gelinaysa arrimaha xagjir-nimada. Mar horeba waxaan amar ku bixinnay in la xidho Macahkos hadda waxaa qorshuhu yahay inaan beegsanno kuwa kale ee ku yaalla waddanka gudihiisa.” Sidaa waxa yidhi Ndegwa Muhoro oo Madax ka ah qaybta Denbi-baadhista dawladda Kenya oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee AFP. Waxaanu intaas ku ladhay in dawladdu ay la dagaallamayso argaggixisada.

Muhoro ayaa sheegay in dawladda Kenya aanay qorshaynin in ay xidho goobaha lagu cibaadaysto gaar ahaan Masaajiddada, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay socdeen hawl-gallo gaar ah oo lagu beegsanayo kooxo la sheegay in ay wax ka abaabuleen weerarradii dalka ka dhacay.

Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalladan qaybo ka tirsan Waddanka Soomaaliya, ayaa labadii sannadood ee u dambeeyey si cad weerarro qorshaysan iyo dagaallo fool-ka-fool ah uga fuliyey gudaha dalka Kenya, kuwaasoo sababay khasaare badan oo ay gaadhsiiyeen Kenya, waxaana ka mid ahaa Weerarro ay ka fuliyeen 21-kii bishii September 2013-kii xarunta Ganacsiga Westigate Mall oo ku taallay Caasimadda dalkaas, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 67 qof, halka ay dad laba boqol ka badani ku dhaawacmeen.

Sidoo kale weerarro ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Xeebta ee Kenya oo ay dad boqol ka badani ku dhinteen dad boqol ruux iyo dheeraad lagu sheegay halka ay tiro intaas ka badanina ku dhaawacmeen. Waxaanay Al-Shabaab ku dooddaa inay ka aar-goosanayso Kenya oo ay Ciidammo kumannaan Millateri ahi ka joogaan gudaha Soomaaliya, halkaasoo ay kula dagaallamaan Dagaalyahannada Kooxda Al-Shabaab.

No comments:

Post a Comment