
Masuuliyiinta dowlada Serbia ayaa sheegay inaanay xalbuuxa u heli Karin dadkaasi magangalyo doonka ah, ilaa inta aanay wadashaqeyn ka helin wadamada Balkans la isku yidhaahdo EU-da.
Horaantii sanadkan sideedii bilood ee lasoo dhaafay inka badan 6,974 ruux ayaa gaadhay dalka Serbia, sidaasi waxaa sheegay xoghayaha wasaarada arimaha gudaha ee Serbia Alexsandar Nikolic.
Dadkaasi tahriibayaasha ah ayaa badankood waxay ka tageen dalalka Syria, Pakistan iyo dalka Soomaaliya waxaana la sheegayaa inay ku jiraan xerooyin ku yaala dalkaasi Serbia.
Dadka ugu badan ayaa waxay ka tageen dalka Syria oo la sheegay inay ka carareen dagaalada muddada labada sano ka badan ka soconaya dalkaasi.
Dowlada Serbia ayaa ka dalbatay wadamada calaamka gaar ahaan midowga Yurub inay ka taageeraan wax u qabashada dadkaasi tahriibayaasha ah, oo badankood dhanka xuduuda ka gudbay.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment