Thursday, September 25, 2014

Wasaaradda Beeraha Somaliland oo u kuurgalaysa Nidaam Casriya oo ay Beeralaydu Dalagyo kula soo baxayaan

Ilka-wayne, 25 Sept, 2014(Himilo)- Wasaaradda Beeraha Somaliland, ayaa bilawday u kuur-galka hab ama nidaam casri ah oo ay Beeralayda dalku kula soo baxayaan Dalagyo xilligan lagu jiro wakhti-roobaadka oo ay Roobabku ka da’ayaan deegaanno badan oo waddanka ka tirsan.
SAM_1871SAM_1874Iyada oo qorshahaas laga duulayo, ayuu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Somaliland Cabdillaahi Ismaaciil Faarax iyo Wefti uu hoggaaminayaa shalay u kuur-gal ku sameeyeen dalagyo ay Beeralayda deegaanka Ilkaweyne oo ka tirsan gobolka Gabiley ku beereen iskaashi.
Agaasimaha Guud iyo Weftiga uu hoggaaminayo ayaa intii ay socdaalka ugu kuur-galayeen Beer-falashada Beeralayda deegaanka Ilkaweyne ee gobolka Gabiley waxa ay soo mareen Beero laga beeray dalagyo kala duwan oo loo beeray nidaam casri ah, taasi oo ay dalagyada dadka deegaanku beerteen ka mid ahayeen Lawska, Basasha, Sinsinta, Saliidda Gabal Dayaha iyo Hadhuudhka.
Weftiga uu hoggaaminayey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Cabdillaahi Ismaaciil Faarax, ayaa waxa ka mid ahaa Masuuliyiin ka socda Wasaaradda Beeraha, kuwaasoo kala ah Af-hayeenka Wasaaradda Beeraha Sacad Muuse Cabdi iyo Isuduwaha gobolka Gabiley ee Wasaaradda Cabdirisaaq Sh. Maxamuud Mooge iyo Masuuliyiin ka socda Hay’adda Concern World Wide.
Nidaamkan casriga ah ee dadka deegaanku ku Beeranayaan dalagyadooda, ayaa waxa ka mid ah in iskaashi wax lagu wada beerto, iyada oo laga faa’iidaysanayo Iskaashatooyinka ay samaysay Wasaaradda Beeruhu iyo tabobbaro casri ah oo ay Haya’dda Concern World Wide siisay dadweynaha deegaanka.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Cabdillaahi Ismaaciil Faarax oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu beeralayda deegaanka ku hambalyeeyey dalagyada ay la soo baxeen, isaga oo ugu baaqay inay halkaa ka sii wadaan beer falashada, isla markaana dalagyada dalka looga baahan yahay beeraan.
Agaasimaha oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Maanta farxad ayey ii tahay inaan goob joog ka ahaado beeralayda Gobolada Gabiley iyo Awdal oo Kiiloomitiro aad u badan beeray, waana tusaale fiican, waxaanan cadaynayaa inay goboladani ka soo baxeen xilki ay xukuumaddu u saartay Wasaaradda Beeraha in dalka wax laga beerto, waxaanan rajaynayaa inay gobolada kale ee dalku ku daydaan”.
Agaasimaha guud ayaa waxa uu beeralayda u sheegay balan qaad ay xukuumaddiisu u balan qaadayso beeralayda, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Xukuumaddu waxa ay idiin balan qaadaysaa in dalaga aad soo beertaan haddii uu dalka ku filnaado aan dalka dibadiisa dalag la mid ah laga soo saari doonin, haddii dalaga aad soo saartaan ku la mid ah la keenana cashuurta lagu kordhin doono”.
Isuduwaha gobolka Gabiley ee wasaaradda Beeraha oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu beeralayda ugu baaqay inay soo celiyaan Guuskii iyo iskaashigii, isaga oo beerlayda kula taliyey inaanay is curyaamin ee ay is taageeraan.
Axmed Yuusuf Idiris oo ka socday hay’adda Concern World Wide oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay tababaro ay hay’adooda u fidisay beeralayda iyo sida ay ugu dedaalayaan inay nidaamyo casri ah u keenaan beeralayda, isaga oo sheegay in dalagyo ay tijaabiyeene ay ku guulaysteen sida Lawska oo kale.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment