Monday, September 22, 2014

Jamaal Cali Xuseen Oo Si Weyn Uga Soo Horjeestay Heshiiskii Shalay Xisbiyaga Mucaaridka iyo Xukuumaddu Ku Xalliyeen Dooddii Diiwaangelinta Madaniga ah Ka Taagnayd

Hargeysa:Sep,22,2014(Himilo)-Musharraxa Jagada Madaxweynenime ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen, ayaa kasoo horjeestay Heshiiskii shalay Mucaaridka Somaliland iyo Xukuumaddu kaga heshiiyey murankii iyo is afgaran waagii ka taagnaa arrimaha Diwaangelinta madaniga ah.

jamaali caliJamaal cali xuseen oo maanta u warramayey warbaahinta dalka, ayaa sheegay in shakhsi ahaan aan wax talo ah laga weydiin heshiiskaas la gaadhay, isla-markaana aanu faham buuxa ka haysan qoddobada lagu heshiiyey oo uu si weyn u dhaliilay.

Waxa uu Jamaal sheegay inuu sida shacabkuba dareemayaan ku jaahwareersan yahay dhawaaqa lagu sheegay in heshiis la gaadhay, waxana uu farta ku fiiqay inaan meesha la arkin wax qoddobo ah oo la kala saxeexday si heshiis u dhaco,

 

“Heshiiskaasi mid aan wax ka ogaa ama aan taladiisa wax ku lahaa ma uu ahayn, markii aan u fiirsadayna waxa uu ahaa heshiis aan wax qoddobo ah ama wax la kala saxeexday aanay jirin, nimankii Hadlaayeyna waxan arkayey iyagoo kala hadlaya oo mid waliba meel ku dhufannayo oo leeyahay arrinkaasaan ku heshiinay iyo arrinkaasan ku heshiinay, markaa sida dadka caadiga ahi ugu wareereen baan ugu jaahwareeray.” Ayuu yidhi Jamaal cali xuseen.

Mudarash Jamaal, ayaa tilmaamay in hore saddexda xisbi qaran iyo xukuumaddu ay heshiis uga gaadheen arrimaha Diiwaangelinta madaniga ah iyo midda Codbixiyayaasha, isagoo xusay inay Haboonayn in Haddii wax cusub la saxeexayo talada la Badsado oo aan cidi kooban loo gaar yeelin,

“waa ogtihiin oo heshiis hore oo saddexa xisbi iyo madaxweynuhu kala saxeexdeen oo ahaa inuu labada diiwaangelinood si cad isku garab socdaan baa jirey, waxana ay ahayd haddii wax hore loogu heshiiyey ay jiraan waxay ahayd xisbiyadu ay isku noqdaan oo ay dibu eegaan oo Guddiyadooda fulintu fadhiisato oo majooratiga la raaco weeye.” Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen waxana uu intaas ku daray in sida fudud ee mucaaridku shalay u hadleen tahay qayru masuulnimo

“Bil dhan wixii dadka lagu jaahwareeriyey in qunyar uun la iska yidhaahdo waa la heshiiyey, iyadoo dadkiina aan loo sheegin wixii lagu heshiiyey, waxay u ekaanaysaa qayrumasuulnimo, aniguna kalsooni yar baan ka qabaa in xukuumaddu heshiisyada ay gesho ay fuliso.” Ayuu Hadalkiisa kusoo koobay Jamaal Cali Xuseen.

 

Himilo Media

 

 

No comments:

Post a Comment