
Col. Tuur-yare ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dawladda Soomaaliya ay go’aansatay inay siiso qofkii soo sheega xog ku saabsan in la dilo hoggaamiyaha cusub ee Al-Shabaab ay siin doonto lacag dhal hal Milyan oo Doollarka Mareykanka ah.
“Qofkii xog ku saabsan hoggaamiyaha cusub ee Al-shabaab, waxaan u ballan-qaadaynaa inaan la shaacin doonin magaciisa iyo sawirkiisa, sidoo kalena la siin doonaan lacagta aan ballan-qaadnay.” Sidaa ayuu qoraalkiisa ku yidhi Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cornayl Cabdiraxmaan Maxamuud Tuur-yare.
Hadalkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee ay dawladda Soomaaliya ku sheegto Lacag Laba Milyan oo Doollar ah ay siinayso ciddii keenta xogta Hoggaamiyaha Al-Shabaab, iyadoo ay sii xoogaysanayaan dagaallada ay dawladda Federaalka Soomaaliya oo ay caawinayaan Ciidammada Nabad-ilaalinta Midawga Afrika (AMISOM) ka jooga dalka iyo Kooxda Al-Shabaab. Hase-yeeshee, Kooxda Al-Shabaab ayaan weli wax jawaab ah ka bixin warkan ka soo baxay dawladda Soomaaliya.
Go'aanka dowladda ay lacagta ku saartay madaxa hoggaamiyaha cusub ee Al-shabaab, ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalmo ka hor ay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ay kusoo rogeen Sh. Abuu-Cubeyda xayiraad safarka ah iyo mid Maaliyadeed.
Dawladda Maraykanka, ayaa dhawr sano ka hor Saraakiisha sarsare ee Al-Shabaab oo uu ugu horreeyey hoggaamiyihii Kooxdaas ee la dilay Axmed Cabdi Godane waxay Madaxooda dul-dhigtay Lacag Malaayiin Doollar ah.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment