Monday, September 29, 2014

Midnimadu Kuma Xidhna Dhaqanka Iyo Luuqada-W/Q Cabdicasiis Maxamed

Ereyga midnimo -naxe ahaan- waa magac ka kooban laba erey oo la lammaaneeyay kuwaas oo kala ah: mid+nimo oo macnohooda wadajira uu yahay mid ahaansho. Haddaba ereyga midnimo macnihiisu waxa uu ku rumoobayaa wax kasta oo loo siman yahay, Sida: heshiis loo dhan yahay, diin, qaran, fikir, urur,iwm. Haddaba midnimadu ma aha wax ku xidhan diin, dhaqan ama af (luqad). Sidaa daraadeed madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh waa uu ku qaldan yahay marka uu leeyahay waxa aan mideynayaa Soomaaliya iyo Somaliland isaga oo xujo ka dhiganaya in ay isku af, isku dhaqan iyo isku diin yihiin, xaqiiqdii taasi waa uu ku qaldan yahay boqolkiiba boqol. Waayo, waxa adduunka ka jira dowlado iyo qaramo badan oo isku dhaqan isku luuqad iyo isku diin ah haddana aan mideysnayn marka laga eego qaran ahaan iyo dowlad ahaan sida qaramo badan oo ka jira Yurubta, Carabaha, reer Galbeedka iyo weliba Aasiya. Sidaa darteed haddii ay midnimadu ku xidhan tahay luuqad am dhaqan ama diin kuwaas ayaa midoobi lahaa. Taasi waa mid. Tan kale waxa ay tahay in dowladda taagta daran ee Soomaaliya ay u quudhi la'dahay horummarka ay ku tallaabsatay Somaliland, horaa loo yidhi (kullu nicmatin lahaa xaasid) oo macneheedu yahay nicmo walba wax ay leedahay cadow iyo xaasid jecel inay suusho, Sidaa darteed waxa aan leenahay (Nacuudu biLLAAHI misharri kulli xaasid) oo macneheedu yahay ILLAAH baannu ka magan galeynaa xaasid kasta. Haddaba shacabka Reer Somaliland waxa aan ugu baaqayaa in ay nabadgelyada ay ku naalloonayaan ay ilaashadaan iyo inay is diwaan geliyaan, waxa aan Salaan sharaf leh u dirayaa Madaxweynaha Jamhuryadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Saddexda xisbi qaran iyo hoggaamiyayaashooda, oo waxaan leeyahay khilaafka ka fogaada oo is waafaqa cadow badan baad leedihiine.

Qalinkii cabdicasiis Maxamed
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment