Tuesday, September 23, 2014

Maxaad ka ogtahay qaybaha maskaxda ee la xidhiidha aqbalaadda hab-dhaqannada dadka?

Subaxdii timaaddaba khubarada culuumta saynisku waxa ay daah-furaan natiijooyinka baadhitaanno cusub oo ay ka ogaadaan hab-dhaqanka iyo qaab-dhismeedka dabeecadda Jidhka bani’aadamka, waxase xaqiiqo ah in aanay dhammaystiri karin mucjisooyinka Alle ku duugay abuurka bani’aadamka.
Khubaro ku takhsustay maskaxda iyo dareen-wadayaasha jidhka ayaa daah-furay aqoon laga ogaaday qayb maskaxda ka mid ah oo qofka u suurto-galisa inuu ka garsooro dabadeecadaha dadka kale. Qaybtan oo ah sida jiheeye, isla markaana ku taala qaybta maskaxda ee began dhegta midig dabadeeda, waxa ay fir-fircoonaataa marka aynu ka fekerayno dhaqan-xumada ama shaqada wanaagsan ee ay sameeyaan dadka kale
Daraasaddan oo lagu faaqiday baadhitaano qayral-caadi ah, waxa ay sheegeen inay muujisay sida aanu dareenkeenka qofka ee kala garashada samaanta iyo samaantu ugu xidhnayn koritaan, diin ama filasoofiyad, balse ay tahay qaab-samayska maskaxda.
Dr. Liane Young oo hoggaaminayey kooxda cilmi-baadhista samaysay ayaa sheegay in daraasadaynta qaabka qofku u garsooro anshaxa dadka kale iyada oo baadhitaan lagu samaynayo qayb maskaxda ah ay tahay arrin layaab leh. “Jiheeyaha ‘kala-saare’ anshaxa waxa ay ku taalaa qayb maskaxda ah weliba oogada sare ee ku began dhegta midig dabadeeda.
Cilmi-baadhayaasha oo ka tirsan machadka farsamada Casriga ah ee Massachusetts ee Maraykanka ayaa intii ayaa daraasadooda ka dheegtay natiijo uga soo baxday isticmaalka qalab birlab la socoto kaas oo hoos u dhigaya shaqada qaybtan maskaxda ah. Habkan ayaa ah shucaac dhibco ah oo lagu sii daynayo oogada sare ee lafaha madaxa taas oo abuuraysa isla markaana maskaxda gaadhsiinaya qul-qul danabeed. Dabadeed qul-qulka danabaka ahi waxa uu dhex-galayaa unugyada maskaxda ee ku dhow lafta madaxa waxaanu u diidayaa inay caadi u shaqeeyaan.
Intii lagu gudo-jiray tijaabooyinka dad si mutadawacnimo ah uga qayb-qaatay, waxa la ogaaday in ficilladii laga arday maskaxdooda ee tilmaamayey masuuliyad-darrada iyo kuwa ku-talo-galka (kaska) ah ay noqdeen qaar moral ahaan la aqbali karayey haddii sheekada lagu gudo jiraa leedahay bar-dhammaad farxad leh.
Maaha markii ugu horaysay ee khubaradu cilmi-saynisku ay wax ka ogaadaan qaybaha maskaxda ee ku shuqulka leh waxa ay dadku aaminsan yihiin iyo dabeecadda. Waxa ay ahayd sannadkii hore markii khubaro Maraykan ahi sheegeen inay ogaadeen qayb maskaxda ka mid ah oo maamusha aaminsanaanta diinta.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment