Wednesday, September 24, 2014

Maxaa ka dhexeeya Xilliga Dhalashada iyo Nooca Shaqo ee Qofku ku wanaagsan yahay?

“Haddii aad had iyo jeer ku riyooto in wiilkaagu mustaqbalka noqda dhakhtarka ilkaha, markaa waa inaad hubisaa inuu dhashay bisha December. Balse haddii aad rejaynayso inuu noqdo biil-ururiye, markaa bisha January ayaa ah xiddiggiisa,” Sidaas waxa lagu sheegay gebo-gebada cilmi-baadhis lagu faaqiday bilaha dhalashada dad ka shaqeeya 19 mihnadood oo kala duwan iyada oo la adeegsanayo macluumad laga ururiyay diiwaankooda. Natiijada ayaa u muuqata inay muujinayso in bisha dhalashada ee qofku ay xisaab ahaan ka dhigayso inuu u go’o xirfad shaqo sida ciyaartoy ama Fannaan.
Bisha Janaury ayaa markii baadhitaan la sameeyay la ogaaday inay u wanaagsan tahay dhalashada dadka xirfaddoodu noqoto Dhakhtar Guud ama cashuur-ururiye. Marka miisaanka dhinaca kale laga eegana, waxay bishani u xun tahay dadka xirfaddoodu tahay biraha iyo ku-shaqayntooda. Dadka farshaxanka ku wanaagsan ayaa iyaga la helay inay dhalashoodu ku haboon tahay bisha February halka bisha March ay u wanaagsan tahay Duuliyeyaasha diyaaradaha, sida ay sheegayso cilmi-baadhistu.
Laakiin waxa kale oo la sheegay in dadka dhasha bilaha April iyo May ay ku wanaagsanaadaan noocyo kala duwan oo shaqooyin ah. Sidoo kale, dadka dhasha bilaha Xagaaga waxay u muuqdaan qaar aan fursad u helin inay noqdaan ciyaartoy kubadda cagta ah, dhakhtar gaar ahaan dhakhtarka ilkaha. Dadka dhasha bisha September labada shaqo ee celcelis ahaan la xisaabiyay waxay noqdeen ciyaartoy iyo Aqoonyahan ku xeel-dheer cilmiga Physics-ka Shaqooyinka qaarkod, sida maamulaha guud ee shirkadaha waaweyn iyo wakiillada shirkadaha way u siman yihiin sida ay ugu habboon yihiin bilaha sannadka oo dhan. Waxay daraasaddu muujisay in Carruurta dhalata bisha September ay kaga wanaagan yihiin kuwa dhasha bisha August sannaddada hore ee waxbarashada, In kasta oo ay adagtahay in lagu fasiro astaamaha ku duugan wakhtiyadan, xidhiidhka ka dhexeeya dhalasha bilaha iyo dhibaatooyinka caafimaadku waxay leeyihiin sababo asal ahaan cilmiyeysan. Carruurta dhalata xilliga gu’gu waxay khatar u yihiin inay hoy u noqdaan jeermis-sidayaasha cudurro badan. Waxa kale oo ay dhanka waxabarashada kaga liitaan ardayda ay isku fasalka yihiin ee dhalata bilaha kale ee sannadka. Cilmi-baadhistu waxay sheegaysaa in inbadan oo kala-duwanaanshahan ah lagu xidhiidhin karo xaddiga ileyska qorraxda ee hooyadu hesho wakhtiga ay uurka leedahay. Ileyska qorraxdu waxa uu firfircooni u yeelaa samaysanka Vitamin D-ga ku jira jidhka, tan haddii la waayo bilaha ugu horreeya ee nolosha waxay keensan kartaa saamayn wakhti badan qaadata.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment