Wednesday, September 24, 2014

Somaliland In Ay Fursad Saddexaad Soomaaliya Ay Siiso Yaan La Sugin!-W/Q C/Casiis Maxammed (Suudaani)

Inta aanan u gelin mawduucayga waxa aan jeclaystay in aan iftiimiyo ereyga (fursad). Haddaba ereyga fursad -naxwe ahaan- waa magac guud oo dheddig ah islammarkaana ah magac keli ah oo wadartiisu tahay (fursado), macnihiisuna -luqad ahaan- yahay waqti ku habboon in lagaga faa'iidaysto in arrin lagu dhaqaaqo ama hawl diyaar ah la fuliyo. Sidaa daraaddeed fursaddu waa waqti qaali ah oo hadday ku sheegto aysan soo noqonayn. Haddaba aan gudaha u galo mawduucaygii aan kor ku soo xusay: Waxa laga yaabaa in akhristuhu is weyddiiyo: Tolow waa maxay labada fursadood oo ay Soomaalilaand siisay Soomaaliya? Haddaba aniga oo ka jawaabaya su'aashaa dahsoon waxa aan odhanayaa: Soomaalilaand waxa ay Soomaaliya ugu deeqday laba fursadood oo qaali ah kuwaas oo kala ah:
1- Soomaalilaand ayaa kaga horreysay madaxbannaanida Soomaaliya. Soomaalilaand waxa ay madaxbannaanidideeda la soo noqotay halgan dheer oo gobonnimo doon ah kaddib 26ka Juun 1960kii, Soomaaliyana waxa ay madaxbannaanideeda heshay maalmo kaddib markii ay Soomaalilaand qaadatay. Haddaba Soomaaliland waxa ay xaq u lahayd in ay noqoto dowlad madaxbannaan sida dawladda Jabuuti, Kenya, iwm, markii ay madaxbannaanidooda ka qaateen gumeystayaashooda. Sidaa darteed Soomaalilaand sidaa ma aynaan yeelin, balse waxa ay door bidday iyada oo ictiqaadsan faa'iidada midnimada, in ay calankeedii sharafka lahaa ay u qaaddo xaggaa iyo Soomaaliya si ay u noqdaan qaran mideysan. Haddaba aqristow taasi waa fursaddii koowaad oo ay Soomaalilaand siisay walaalahooda Soomaaliya. haddaba fursaddaasi lagama faa'iideysan oo waxa ay dhammaatay markii Soomaalilaand uu loo weeraray sida cadaw oo kale lana xasuuqay loona geystay xadgudub ba'an.
Aah! Aah! Aah! Waan ka xumahay oo waan canbaareynayaa dadka xadgudubyadaa geystay. Haddaba akhristaha sharafka lohow waxa aad iga sugeysaa jawaabtii labaad. Waxa aan odhanayaa aniga oo taa ka jawaabaya: Fursadda labaad oo ay Soomaalilaand siisay Soomaaliya waa sidatan: Soomaalilaand waxa ay qaaday halgan labaad oo ay u gashay sidii ay uga xoroobi lahayd cadawgii soo weeraray ee uu hoggaamiyaha u ahaa keligii taliyihii Maxammed Siyaad Barre. Haddaba Illaahay SWT waxa uu u suurtogeliyay in ay ka xoroobaan. Haddaba Soomaalilaand waxa ay awooddey kadib marki ay cadawgii dhulkeedii ka saartay in ay noqoto dowlad madaxbannaan. Waxa kale oo ay go'aansatay in ay caawiso jabhaddii USC si ay waddanka uga saaraan dowlaaddii kelitaliska ahayd. Soomaalilaand waxa ay jabhaddaas kula guuleysteen in ay waddanka ka xoreeyaan keligii-taliyihii Siyaad Barre. Haddaba waxa la doonayay in la wada tashado oo la dhiso dawlad midnimo qaran oo loo wada dhan yahay. Taasi ma aysan dhicin. Haddaba maxaa dhacay? Wixii dhacay waa wax fool xun oo ay taariikhdu ogtahay.
Waxa dhacay iimaan la'aan iyo kalsooni darro! waxa la sameeyay dawlad qabiil oo uu hoggaaminayo Cali Mahdi! Haddaba maxaa la gudboonaa dadkii Soommaaliyeed? Waxa habboonayd in ay yidhaahdaan: Walaaleheen Soomaalilaand hana hoggaamiyaan. Waayo waxa loo geystay xasuuq misna way illaaween dhibaatadooda oo inaga ayay na caawiyeen. Haddaba Soomaalilaand sow xaq uma laha kadib fursaddaa labaad in ay goonio isu taagto? Qof kasta oo caqli wanaagsan oo caafimaad qaba leh waxa uu odhanayaa haa. Haddaba waxa aan ku soo gunaanadayaa: Sooomaaliya yeysan Soomaalilaand ka sugin fursad saddexaad oo midnimo iyo Soomaaliweyn.
Wabillaahitawfiiq.
C/Casiis Maxammed Maxaad (Suudaani) (0634176404

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment