Sunday, October 4, 2015
Ciyaartoyda Gobolka Sanaag Oo Gaadhi kula Qalibmay Deegaanka War-Idaad Ee Gobolka Togdheer.
Hargeysa (Himilo)-Ciyaartoyga gobolka Sanaag ee kusoo socday magaalada Burco ayaa waxaa la qalibmay baabuur ka mid ah kuwii ay ku safrayeen ciyaartoydaasi.
Warar aanu ka helayno magaalada Burco waxaa ay sheegayaan in cisbitaalka wayn ee magaaladaasi la keenay ciyaartoy iyo tobabarihii gobolkaasi oo dhaawac wayni kasoo gaadhay shilkan.wararku waxaa ay intaasi ku darayaan in gaadhiga qalibmay uu yahay SURF Ayna saarnaayeen lix qof oo iskugu jira masuuliyiin ka tirsan wasaarada ciyaaraha, saddex ciyaartoy iyo tababaraha gobolka oo dhaawac wayni soo gaadhay.
Magaalo madaxda gobolka togdheer ee Burco ayaa lagu wadaa inuu maalinta beriya si rasmiya uga bilaabmo isreebreebka tartarta gobolada Somaliland.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment