Sunday, October 4, 2015
Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo Ka Hadlay Xaalada Guud ee Dalka, Loolanka Adag Ee KULMIYE iyo Wareejinta Haamaha Shidaalka.
Hargeysa October 4, 2015 (Himilo)-Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka hadlay xaalada guud ee dalka, loolanka xisbiga KULMIYE Iyo wareejinta haamaha kaydka shidaalka.
Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan waxaa uu sheegay in xaalada guud ee dalku ay wanaagsantahay oo dalku nimco ku jiro balse gobolada qaar laga soo sheegayo abaaro iyo roob yaraan ka jirta.
Saleebaan Maxamuud Aadan Guddomiyaha Guurtidu waxaa uu sidoo kale ka hadlay loolanka adag ee ka taagan xisbiga Kulmiye Isagoo sheegay in si xor oo xalaala looga soo bixi doono shirka golaha dhexe ee KULMIYE islmarkaasina ay ugu duceyn doonaan musharaxa lagu doorto shirwaynaha Xisbil Xaakimka ee Kulmiye.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland oo maanta saxaafada la hadlay ayaa ugu horayn ka hadlay xaalada dalka iyo colaado ka jira Koonfurta gobolka Sool.
“Wadanku Waa wanaagsanahay ilaahay mahadii ayaynu joognaa, meelo ayaa laga soo sheegayaa roob yari laakiin waa bilow, waana inoo di’I doonaa wax dhibaato ah oo dalka ka jirana ma arko, Colaada ka taagan berigan waxaan odhan lahaa Ilaahay ha qaboojiyo,oo nabad halaga wada shaqeeyo dhamaanteen sidii la iskugu soo dhawayn lahaa beelaha wada dega ee colaadu dhexmartay”Ayuu Guddomiye Saleebaan.
Guddoomiyaha Aqalka Guurtida Somaliland oo hadalkiisa sii wataana waxaa uu intaasi ku daray“Anigu golaha dhexe ee Kulmiye kuma Jiro laakiin waxay ugu dhamaan doontaa wanaag, nina way iska dooran doonaan.”
Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aada oo ka hadlaya loolanka adag ee ka taagan Xisbul xaakimka Kulmiye waxaa uu yidhi “Loolanku waa xaq lamana diidana sidaasuunbaa lagu doortaa Ninka Sax ah lagu helaa, mana diidani anigu in ay loolamanaa iyagu, aakhirkana nin uun baa kasoo dhex bixi kaasna waanu ugu duceyn”Sidaasi ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan.
Mar guddoomiyaha su’aal laga waydiiyay sababta ay xilalka ugu sareeya ugu dhagan yihiin rag da’doodu wayntahay waxaa uu ku jawaabay “Dhalinyaradu marka ay diyaar u noqdaan kursiga lays kama kacee way ka riixdaan, markaas marka ay naga riixdaan wuu banaanaan doonaa oo waa lagu sugi doonaa marka ay naga riixdaan”Ayuu Yidhi Saleebaan Guddoomiyaha Guurtidu.
HIMILOMEDIA
HARGEYSA OFFICE
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment