Tuesday, October 6, 2015
Dagaallo Qadhaadh oo u dhexeeyey Beelo wada dega Qorilay oo Sool ka tirsan oo Xabbad-joojin lagu soo dabbaalay
“Waxaannu ku guulaysannay dagaalkii labada Beelood ee Walaalaha ah ka dhexeeyey oo Waqooyiga magaalada Burtinle ka socday inaanu Ciidammadiina kala qaadno Xabbad-joojinna ku dhawaaqno..” Suldaan Maxamuud Xaaji Ibraahin
Qorilay, 06 October, 2015-(Himilo)- Guddi Madax-dhaqameed iyo Wax-garad ah oo isu-xilqaamay dejinta xiisadda colaadeed ee toddobaadadii u dambeeyey ka soo cusboonaatay degaanka Qoriley ee ku dhaw xuduuda Somaliland iyo Puntland ayaa ku guulaystay xabad joojin la kala dhex dhigo labada beelood.Toddobaadadii la soo dhaafay ayaa tiraba laba jeer dagaal ka dhacay degaanka Qoriley oo 70-KM Koonfur-Bari kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta Sool, halkaasoo la sheegay in dad ku dhaw 20 qof ku kala dhinteen, sidoo kalena dhaawac labada dhinac ahi jiray.
Guddiga ayaa magaalada Burtinle oo u dhaw halka lagu dagaallamay waxay kaga dhawaaqeen bilawga Xabbad-joojinta ay labada dhinac ee dirirtu u dhaxaysay sameeyaan, iyagoo sheegay inay kala qaadeen Ciidammada labada dhinac ee is-hor-fadhiyey, isla markaana la isla qaatay Xabbad-joojin hirgasha inta la dhexdhexaadinayo arrimaha la isku hayo.“Waxaannu ku guulaysannay dagaalkii labada Beelood ee Walaalaha ah ka dhexeeyey oo Waqooyiga magaalada Burtinle ka socday inaanu Ciidammadiina kala qaadno Xabbad-joojinna ku dhawaaqno, nabad dhammaystiranna ku baaqno.” Sidaa waxa yidhi Suldaan Maxamuud Xaaji Ibraahin oo Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadd BBC-da uga warramay Baaqa Guddiga dhex-dhexaadinta Colaadda ee Madax-dhaqameedka ah.Suldaan Maxamuud oo sii watay hadalkiisa waxa uu intaas ku daray oo u sheegay in labada dhinacba si niyad-samaan ah u oggolaadeen Xabad-joojinta, waxaanu yidhi; “Si fiican bay labada dhinacba nooga oggolaadeen Xabbad-joojinta, Ciidammadana annagoo goob-joog ah baannu kala qaadnay, wixii dhacayna in Guddi loo saaro oo laga wadahadlo ayaannu ku dhammaynay Illaahay fadligii.”
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment