Tuesday, October 6, 2015
Xukuumadda Somaliland iyo UNHCR oo Afka ka xidhay Xaaladda Nin Qaxoontiga Yemen ka mid ah oo Hargeysa isku gubay
Wargeyska Himilo oo helay Xogo muujinaya sababaha uu isu gubay Nin Yemeni ah oo UNHCR isku hor-gubay oo Masaajid Hargeysa ah degganaan jiray
Hargeysa, 06 October, 2015 (Himilo)- Nin u dhashay dalka Yemen, ayaa shalay isku hor gubay Xafiiska xarunta Hay’adda Qaxoontiga Adduunka (UNHCR) ku leedahay magaalada Hargeysa, isla markaana xilligan xaaladdiisa caafimaad lagu daryeelayaa Cusbitaalka Edna ee Caasimadda Hargeysa.
Ninkan oo la sheegay inuu ka tirsanaa Qaxoontiga dalka Yemen ee muddooyinkii u dambeeyey soo gaadhay Somaliland, ayaan si rasmi ah loo shaacin sababaha keenay falkan uu isku gubay, inkastoo wararku sheegayaan inuu u sameeyey waxtar la’aanta xafiiska ee xaaladahooda darted.
Wararka la xidhiidha xaaladda ninkan Qaxootiga reer Yemen ah ee shalay is gubay, ayaanay wax tafaasiil ah ka bixinin Xukuumadda Somaliland, Hay’ada UNHCR iyo Xafiiska Jaaliyadda Yemen ku leedahay Hargeysa midna, balse sida Wargeyska Himilo soo xaqiijiyey muddo badan ku hungoobay ballan-qaadyo waxtar ama caawimo oo ay u ballan-qaadday Hay’adda UNHCR, muddo dhawr bilood ahna waxa hoy u ahaa Masaajidka Ibraahim Dheere ee Hargeysa, isla markaana cuntada ay siin jireen culimada Masaajidku.
Dhinaca kale, Wargeyska Himilo oo xidhiidh kala sameeyey xaaladda ninkan Qaxoontiga Yemen ah Madaxa Hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabbilsan Somaliland iyo Soomaaliya oo xilligan uu sii hayo xilkaa Madaxa Hay’adda UNICEF u qaabbilsan Somaliland & Soomaaliya Mr. Steven Lauwerier ayaanan weli wax jawaab ah ka helin, su’aalo aanu weydiinay.
Xaaladda Qaxoontiga Yemen ee ku sugan Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyey ka cambaareeyey waxtar la’aanta Hay’adaha qaabbilsan arrimaha Qaxoontiga ee ku sugan Somaliland, isla markaana marar kala duwan oo Wargeyska Himilo hore isugu deyey inuu wax ka weydiiyo Madaxda UNHCR ee Hargeysa iyo Nairobi ayaanay wax jawaabo ahi ka soo bixin.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment