Tuesday, October 6, 2015

Dawladda Erdugan oo si adag uga hadashay Diyaaradaha Ruushka ee Suuriya Duqaynaya oo ku Xad-gudbay dalkeeda

 

Ankara, 06 October, 2015-(Himilo)- Dawladda Turkiga, ayaa Isniintii Shalay sheegtay in Diyaaradaha dagaalka Ruushka ee duqeynta kawada dalka Suuriya ay kusoo xad-gudbeen hawadeeda, isla markaana ay ku kicisay diyaaradaheeda dagaalka ee F-16-ka ah, kuwaasoo ku qasbay diyaaradihii Ruushka inay hawadooda dib uga saaraan.War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga, ayaa lagu xusay inay si aad ah u cambaareynayaan xad-gudubkaas, isla markaana u yeedheen Danjiraha Raashiya u fadhiya Turkiga, oo ay ku war-geliyeen xad-gudubka iyagoo uga digay in mar kale ay dhacdo in diyaaradaha dagaaalka ee Ruushku ku soo xad-gudbaan Xuduudka Cirka ee Turkiga, haddii ay dhacdana mardambe aanay dawladda Turkigu u dul-qaadan doonin xad-gudubkaas oo kale.

“Safiirka Ruushka waxaan ku war-gelinnay in mar dambe aannaan u dul-qaadan doonin xad-gudub noocan oo kale ah. Wixii ka yimaaddana ay Mas’uuliyaddiisa qaadayso dawladiisu (Ruushku).” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka shalay ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga.Diyaaradaha dagaalka Ruushka, ayaa la sheegay inay hawada dalka Turkiga ka soo galeen dhinaca gobolka Yayladagi oo ku yaalla Koonfurta waddanka Turkiga, sida laga soo xigtay Wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga.“Maalintii Sabtida ahayd ayaan diyaaradaha dagaalka Ruushka ku qasbeen inay dib ugu laabtaan gudaha dalka Suuriya, ka dib markii lagu kiciyay diyaaradaha F-16-ka ee Turkiga, kuwaasoo ilaalo ka hayay hawada Turkiga.” ayaa lagu yidhi War-Saxafadeedka Wasaaradda Khaarajiga Turkiga ka soo baxay.Sidoo kale, Warka ayaa lagu sheegay in Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Feridun Sinirlioglu uu ugu yeedhay dhiggiisa dalka Ruushka Sergei Lavrov inuu yimaaddo magaalada Ankara si ay uga hadlaan arrintaas. Xukuumadda Turkiga ayaa sidoo kale xad-gudubkan kala hadlaysaa dalalka ay kuwada jiraan ururka NATO, kuwaasoo uu ku jiro hoggaamiyaha NATO, Jens Stoltenberg, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.Ruushka iyo Turkiga ayaa muddo sannado ah ku kala aragti duwanaa colaadaha ka taagan dalka Suuriya, iyadoo Ruushku ay taageereen madaxweynaha Suuriya Bashar Al-Assad, halka Turkiga iyo dalalka xulufada la ah ay kasoo horjeedaan in Suuriya uu sii hoggaamiyo madaxweyne Al-Assad.Inkastoo dawladda Moscow ay sheegtay inay sii wadayso duqeymaha ay dalka Suuriya ka geysanayso, ayaa haddana Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogaon oo ka hadlayay shalay dalka Faransiiska wuxuu sheegay in duqeymaha Ruushku ku hayo Suuriya ay yihiin kuwo aan la aqbali karin.Erdogan ayaa uga digay dalka Ruushku inay dhibaatooyin cawaaqib-xun ka geystaan gudaha Suuriya, iyadoo Madaxweynaha Suuriya uu sheegay inuu si aad ah u soo dhaweynayo duqeymaha uu Ruushku kawado dalkiisa.

 Himilomedia

Hargeysa Office

 

 

No comments:

Post a Comment